Wasaaradda Qorsheynta oo Bilowday Qorshe Cusub oo lagu Diwaangelinayo Hay’addaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga

0
514

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo ay isku diwaangalin doonaan urrurada maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ee ka hawl gala gudaha Somaliland sanadkan 2020-ka.

Agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka mudane Mubarik Cabdillaahi Ibraahim (Daljir) ayaa sheegay in nidaamka ay isu diwaangelin doonaan hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ahi uu yahay mid ka duwan sidii ay sanadkii galbaday isu diwaangelin jireen, islamarkana diwaangelin lagu sameyn doono mashaariicaha ay hay’addahaasi dalka ka fulin doonaan.

Qorshaha cusub ee ay isku diwaangelin doonaan hay’addaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ahiba, ay tahay iyadda oo la diwaangelin doono noocyadda kala duwan ee mashaaricaha ay dalka ka fulin doonaan hay’addahaasi.

Agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka mudane Mubarik Cabdillaahi Ibraahim (Daljir) ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey nooca uu yahay qorshaha ay soo kordhiyeen ee ay isu diwaangelin doonaan hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba waxaanu yidhi “Waxaana ka mida tusaale ahaan waxaa la diwaangelin jiray hay’adda ama urrurka isaga ayaana liisan la siin jiray ogolaanshiyahaasi ayaanu ku fulin jiray wixii mashaariica ee dalka ka uu ka fulinayo, sanadkan waxyaabaha cusub ee aanu soo kordhiney waxaa ka mida waxaa, mashruuc kasta oo waddanka ka socda ama hay’add dawli ahi ha waddo ama mid aan dawli aheyni ha waddo ee waala diwaangelinaya hadii ILLAAHEY yidhaaho waxyaabaha aanu idiin soo bandhigi doonnana waxaa ka mida formka wax lagu diwaangelinayo mashaariicda.

Agaasimaha waaxda isu-duwida iyo diwaangelinta urruradda ee wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland mudane Cabdifataax Suldaan Aadan ayaa isna faahfaahin ka siiyey masuuliyiintii hay’addaha ee kulankaasi goob jooga ka ahaa waxaanu yidhi “Waxaa aynu halkan isugu nimid in wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Qaranku idinla wadaagto wixii ku cusub adeega diwaangelinta, waxaa inoo soo dhammaaday sanad casharo ayaynu ka soo baraney anaga ka wasaaradd ahaan waxaa na saaran waajibaadka ah in ka wasaaradd ahaan adeega diwaangelinta ee bulshadda aanu u qabaneyno aanu ka dhigno mid hufan, islamarkaana aynu dib ugu noqono waxyaabihii laga bartay sanadkii ina dhaafay oo aanu saxno taasi ayuu daaran yahay maanta kulankeenu.

“Dhammaanba wakiiladda ka socda hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah waad ku mahadsan tihiin casuumadda aanu idiin fidiney ee aad ka soo jawaabteen wasaaradda qorsheyntana waanu idinku soo dhaweynaynaa, kulankani sanadkiiba hal mar ayaanu qabana ujeeddada ugu weynina waxa ay tahay wasaaraddu bulsho ayey u adeegtaa, marka wasaaradd ahaan waxaa naga go’an in adeega aanu bixineyno ee umadda aan u siineyno in aanu qurxino hagaajino, qodax tirno wixii cabasho ah ee jirtana aanu ka jawaabno, marka halkan waxaa aynu ku wadaagi doona sanadkan cusub ee 2020 qaabka leysu diwaangelin jiray waxaa iska badelay.

Sidoo kale daraasadd ayaanu sameynay qaladaadkii jiray sanadkii 2019-kii marka qaladaadkaasi jiray waa in aynu casharo ka barana waa in aynaan sanad walba qaladaad isku mida gelin, waana wax aanu soo kordhinay oo aanu rajeyno in shaqadii aanu dalka u heynay ay naga saacidi doonto gudashadeeda”

 

Leave a Reply