Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Cadeeyay In Aanu Jirin Wax Khilaafa Oo Ka Dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti

0
510

Qore Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay Somaliland iyo jamhuuriyadda Jabuuti oo ka dhashay xadhiga Fiver Optica.

Waxaa kaloo wasiirku uu ka hadlay Markab ay leedahay dawladda Jabuuti oo todobaakan iska hor imaad dhex maray ciidanka xeebaha Somaliland.

Markabkaasi oo la sheegay in uu waday xadhiga Internet-ka ee loo yaqaano Viber Optic oo soo galay xeebaha Somaliland ayay ka hor tegeen ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, oo shalay warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in aanu Markabkaasi u socon Somaliland, balse markabkaasi uu u socdo dhinaca wadamadda Bariga Afrika oo uu gaadhsiinayo xadhiga Cable-ka Internet-ka.

Waxaanu yidhi, “Markab meelahan marayay ayaa dawladdii Jabuuti iyo Somaliland isku haystaan, wax dawladda Jabuuti iyo ta Somaliland isku haystaa-na ma leh. Markab ayaa xayn-daabkan inoo dhaw maraayay, kaasoo ku socday ilaa Bariga Afrika (East Africa) ayuu ku socday.

Shirkad ayaa laga soo kiraystay markabkaasi, xadhiga Cable-ka ayuu dhigayaa Berbera uma socdo horteena ayuu maraya, xuduudahee-na Badda kuma jiro”.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu khilaaf u dhexeeyo Somaliland iyo dawladda Jabuuti.

Waxaanu sheegay in aanu jirin haba yaraatee wax khilaaf ama muran ah oo labada dal ka dhexeeya. Isagoona carabka ku adkeeyay in aanu markabka xadhigaas wadaa soo maraynin xeebaha Somaliland.

“Dawladda Somaliland iyo dawladda Jabuuti, iskuma haysato wuu socda xadhigiisiina wuu dhigayaa, xuduudaheena iyo baddeenana waynu ilaashanaynaa.

Wax Somaliland iyo Jabuuti ay isku haystaa-na ma jiro. Waana arrimaha u baahan had iyo jeer in aan warbaahinteena ka xaqiijino”ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

 

Leave a Reply