Badhasaabka Sool Oo Qaabilay Wefti Khubarro ah Oo Ku Takhasusay Sahaminta iyo Soo Saarista Biyaha

0
408

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka Sool oo uu wehelinayay maayarka Laascaanood ayaa shalay qaabilay wefti khubarro ah oo ku takhasusay soo saarista iyo sahaminta biyaha oo ka socday jaamacadda Gollis.

Weftigan khubarrada ah oo ay ka mid ahaayeen xubno ajaanib ah waxaa hogaaminayay guddoomiyaha guud ee jaamacadda Gollis Prof. Siciid Axmed.

Badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa uga mahad celiyay booqashadda ay weftigan khubarada ah ku yimaadeen gobolka.

Waxaanu badhasaabku sheegay in gobolka Sool u baahan yahay sidii ay bulshadiisu u heli lahayd biyo macaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ku faraxsannahay in manta (shalay) uu xafiiskayga maamulka gobolka oo uu igu weheliyo maayarka degmada ay nagu soo booqdaan wefti khuburo ajanabiya oo ku takhasusay arrimaha sahamminta iyo soo saaridda biyaha”.

“Khuburadan oo hoggaaminayay guddoomiaha guud ee Jaamacadda Gollis Siciid Axmed, ayaan u oggollaannay inay u fasaxan yihiin inay deegaankeenna ka raadiyaan biyo macaan oo tayo leh.

Culimadan aqoonta sare u leh arrimaha biyaha iyo macdanaha dhulka ku duuggan ayaa markaan is xog-waraysannay aannu isla qaadanay inay deg deg u shaqa galaan.

Waxaana ka muuqatay kalsooni iyo rejo weyn oo ah in mashruucan uu najaxi doono”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale C/qani Jiidhe, waxa uu tilmaamay in barnaamijka ku aadan sidii ay Laascaanood u heli lahayd biyo macaan in ay ka mid tahay balan qaadkii iyo qorshaha madaxweyne Muuse Biixi.

“Barnaamijka ku aaddan in Laascaanood ay hesho biyo macaan oo joogto ah ayna ka haqab-beesho waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee siyaasadda waxqabad ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ugu ballan qaaday gobolka Sool”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

 

Leave a Reply