Xubno Wasiirro ah Togwajaale ka Dhagax-dhigay 5 Mashruuc

0
542

Qore Khadar M. Xaashi

Wajaale (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa shan mashruuc oo ay fulinteeda leedahay ka dhagax dhigtay magaala xuduudeedka Togwajaale.

Waxaana mashaariicahan kala duwan siwada jira u dhagax-dhigay, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyenta, wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technolojiyadda.

Shantan mashruuc ayaa kala ah, xarunta cusub ee dawlada hoose ee degmadda Togwajaale, xarunta dabdamiska, maxkamadda, xarunta wasaaradda arrimaha gudaha iyo cadaaladda, xarunta danbi baadhista.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi ayaa bulshadda degmadda Togwajaale ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u bixiyeen dhulkii danta guud ee ka go’ay waxaanu yidhi “Markii aanu sameynay nashqadeynta magaalada Togwajaale, waxaanu ku darney in beeraha magaalada ku xeeran aanu qorsheyno oo tani ka mid tahay, iyo sidii dhulka danta guuda loo jarilahaa, bulshadda degmadda Togwajaale waxaa ay sameeyeen gobonimo aad u weyn oo ah beer kasta oo la qorsheeyay in ay bixiyeen dantii guud, goobtan aanu taaganahayna dawladda Somaliland waxaa ay ka dhisaysaa shan mashruuc waaney.”

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdi Wali Sheekh Cabdilahi Suufi ayaa sheegay in noloshu tahay qurxin, waxqabad iyo ilaalinta sharciga waxaanu yidhi “Noloshu waa waxqabad, qurxin iyo in la ilaaliyo sharciga, xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, labadaasi sanno ee ay joogtay waxyaabaha ay aadka ugu dadaashay waxaa ka mida in arrimaha dhulka ay wax badan ka qabato, dantaa guud ee beeraha laga gooyay ayaa ka mid ah, dadaal badanina waa uu socdaa, marka waxaa laga doonaya shacabka siiba gobolka Gabiley bulshadda ku nooli inay wax la qabtaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo ta hawlaha guud oo dadaal badan muujinaya, hadaynaan danta guud dhigin qofna tiisa gaarka ahi u hirgalimeyso”

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in ciddii isku dayda inay cunto dhulka danta guud ee laga jaray beeraha muwaadiniintaasi in sharciga la marin doono “Halkan waxaa aynu ka hirgalineyna dhismayaashaasi la soo sheegay, dhulkanina waa kii danta guud, markii halkan danta guud la qiyaasayay muday ku dhaganaayeen raggii lahaa, waxa kalena ugu mey dhaganeyn ee waxaa ay islahaayeen idina waa leydinka qaadayaa cidkalena waa ay qaadaneysaa.

Maanta halkan waxaa aynu ka hirgalineyna Dabdamiska, dawladda hoose oo intaa yar bay leeyihiin waana intii wasaaradda daakhiliga, wasaaradda cadaaladda, xeer ilaalintii iyo maxkamaddihii intaasina waxaa ay ka qayb galeysa hay’addihii sirdoonka Qaranka, halkani waa goob xadda sababtaasi ayeynu u sameynay in xarun baan halkani laga hirgaliyo, bulshada waxaan u sheegaya maantaba waataasi oo waad arkeysaan, dhulkii kalena waala haya, hadii aad soo heshaan in baloodho nagu leexdeen ama degmadda ama gobolka ama wasaaradda hawlaha guud, ama wasaaradda dakhaaliga intayadda ayaa maamusha, waala idin soo sheegi oo dad ayaa loo waayaya intaasi”

 

Leave a Reply