Guddoomiyaha Cusub ee Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa oo xilka la Wareegay

0
923

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa(Dawan) Guddoomiyaha Cusub ee Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa xilkii kala Wareegay Guddoomiyihii hore ee Guddidaasi Axmed Jaamac Maxamuud.

Munaasibad ay xilka kula kala Wareegayeen labada masuul oo ka qabsoontay Xarunta Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Magaalada Hargaysa, ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiyeyaasha xilalka la kala wareegayey, Guddoomiye ku-xigeenka Guddida, Agaasimaha guud ee Komishankaasi iyo maamulka iyo shaqaalaha waaxyaha Xafiiska Guddida.

Guddoomiyihii hore ee Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Jaamac Maxamuud oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in Koomishanka wax badan qabtay mudaddii uu xilka hayay, isagoo niyad samaan iyo farxad ku soo dhaweeyey guddoomiyaha cusub.

Waxaanu yidhi “mudaddaa sannadka iyo badhka ah ee aan ahaa Guddoomiyaha komishanka shaqo badan ayaa ka socotay, wax badanna waanu qabanay. waxaana aanu diyaarinay Siyaasadii lagu hayay Shanta Sanno ee soo socota Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa”.

Guddoomiyaha Cusub ee xilka la wareegay Dayib Aadan Xaaji Cali oo isna munaasibada ka jeediyey hadal u badan mahad-naq, ayaa ka codsaday Shaqaalaha Komishanka in ay la Shaqeeyaan. “Shaqaalaha waxa aan leeyahay waa in aad iila Shaqaysaan sidii aad Guddoomiyihii hore ee Komishanka Maamul Wanaaga iyo la Dgaalanka Musuqmaasuqa ula Shaqaynayseen, aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa dhamaantiin wixii Wanaagsanaa ee aad u qabteen Qaranka waala arki doonaa waana wax loo ogyahay guddoomiyihii hore iyo dhamaantiin”.

Agaasimaha guud ee Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, Maxamuud Ismaaciil Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka rajaynayo Guddoomiyaha cusub in uu ka soo bixi doono shaqada loo igmaday, waxaanu guddoomiyaha xilka wareejiyey uga mahad-celiyey wada-shaqayntii wanaagsanayd ee guddida.

“Guddoomiyihii hore ee Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka mudadii uu xilkaa soo hayay Wax badan ayuu qaranka u qabtay,Guddoomiyaha cusub kuma cusba shaqada, waxaanan kuu rajaynayaa in aad hawshaa ka soo bixi doonto”ayuu yidhi Agaasime Maxamuud.

Munaasibadan waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi, kaasoo guddoomiyaha cusub kula dardarmaay in uu la yimaado qorshe uu ku dardar gelinayo shaqada, guddoomiyihii horena ku amaanay muddadii uu xilka hayey howlihii uu qabtay.

Gebagebadii Xafladan waxa guddoomiyaha cusub iyo guddoomiyihii hore xilka u kala wareejiyey guddoomiye-xigeenka Komishankaasi.

 

 

Leave a Reply