Qaramada Midoobay oo Sheegtay Inay Dedaal Dheeri Ah u Geli Doonaan Xalinta Arrimaha Bina-Aadamnimada Ee Ka Jira Somaliland

0
566

Hargeysa- (Dawan):-Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay iskaashi balaadhan kala yeelan doonaan Somaliland si loo helo dariiqooyin lagu xaliyo arrimaha bini’aadanimo ee dalka.

Sida lagu baahiyey mareegta Busiweek.com shalay, Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Isuduwaha Hawlaha Aadanaha Adam Adelmoula ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto caqabadaha mudada dheer taagnaa ee Somaliland.

“Waxaan ognahay in Somaliland iyo nawaaxigeeda ku xeeran inta badan saameeyeen abaaraha iyo barakaca dadka.

Mr Adelmoula ayaa hadalkan sheegay kadib, kulan uu la yeeshay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” iyo masuuliyiinta kale ee dawladda Arbacadii.

“Kuwani maaha inay si la yaab leh innagu noqdaan, wallow heerka dhibaatooyinkaas ay sii socdeen ama ka yaraanayeen 20-kii sano ee la soo dhaafay. Taasi waxay ii sheegaysaa inaynu u baahan nahay inaan eegno qaabab ka duwan oo looga jawaabo.”

Adelmoula oo ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa Arbacadii, ayaa booqday mashaariic ka socda Hargeysa oo ay taageerayaan Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR), Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Hawlaha Dadka (UNFPA) iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

“Waxaan rajeynayaa inaan ku soo noqdo booqasho dheer iyo wadahadal qoto dheer oo lala yeesho saaxiibadayada horumarineed ee Dowladda, iyadoo aan bilaabeynno diyaarinta Qaab-dhismeedka Iskaashiga Qaramada Midoobay ee soo socda, ”ayuu yidhi.

Aug, 2019 Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Adam Abdelmoula oo u dhashay dalka Suudaan (sidoo kale haysta dhalasho Mareykanka) inuu noqdo ku-xigeenkiisa Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya, halkaasoo sidoo kale uu u noqon doono Wakiilka Qaramada Midoobay. iyo isu duwaha gargaarka bini’aadanimo ee qaramada midoobay.

 

 

Leave a Reply