Guurtida Oo Beenisey In uu Iscasilayo Guddoomiyahoodu

0
417

“Guddoomiyaha Golaha Guurtida dalku kama maarmayo odaynimadiisa.. waana Caafimaad qabaa…”Xildhibaan Maxamed Wali

 

Qore: Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan) Xildhibaan Maxamed-wali Warsame Cali oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa beeniyay in Guddoomiyahaasi Saleebaan Maxamuud Aaden warqad is-casilada u gudbiyey Golahaas, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay qaybo kamida Warbaahintu baahisay warar ku tidhi-ku-teen ah oo sheegaya in Guddoomiye Saleebaan iscasilayo.

Xildhibaan Maxamed Warsame Cali oo Magaalada Hargeysa ugu waramayay Warbaahinta ayaa been aan sal iyo raadtoona la hayn ku tilmaamay in uu is casilayo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu,waxaanu warbaahinta kula taliyey in ay ka waantoobaan warar been abuurka ah ee ay fidinayaan.

Mxamed Wali Warsame oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ma jiro wax wara oo isaga ka soo baxay kamaynaan maqal. dadkan ka Shaqeeya youtube-yada iyo Facebook-ga wax xaqiiqa kuma aqaano.”ayuu yidhi isagoo tilmaamaya in warkaasi uu ahaa mid lagu buun-buuniyey baraha Bulshadu ku xidhiidho.

Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Somaliland waxa ay ku caano maashay Golaha Guurtida Somaliland arrinkaasina waa qadaf. waxaana looga baahanyahay Suxufiyiinta in wax saxa sheegaan. wax aan sax ahayn oo wax lagu raadinayo in la sheego ma fiicna in la Buunbuuniyo ma fiicna.wax aan u arkaa ku turi ku teen iyo wax aan jirin in ay tahay in Guddoomiyaha Golaha Guurtida uu is casilayo”.

Xildhibaan Maxamed wali isagoo hadalkiisa wata waxa uu yidhi “G Guurtida ah ayuu Guddoomiye u yahay, Shir-guddoon ayuu Golaha Guurtidu leeyahay oo ka jira, Fasax ayuuna ku jiraa Golaha Guurtidu iminka, 7-da bisha soo socota ayuuna furmayaa Goluhu. warqada iscasilaadu hadday jirtana annaga ayey noo iman la hayd, warqad noo timidna ma hayno”.

Xildhibaanka ayaa gebagebadii sheegay in aanay jirin sabab guddoomiyuhu xilka isaga casilo xilligan, isagoo tilmaamay “Guddoomiyaha Golaha Guurtida dalku kama maarmo odaytinimadiisa.. waana Caafimaad qabaa”.

Leave a Reply