Shirkaddaha Shiinaha Ee Gawaadhida Oo Kusoo Biiray Tartanka Suuqyadda Gawaadhida Laydhka Ku Shaqeeya Sannadkan

0
612

Shirkadda Tesla oo kamid ah shirkaddaha ugu caansan soo sarida Gaadiidka Dabka ku shaqeeya ayaan ahayn waqtigan shirkadda keliyaata ee gadiidkaasi soo saarta, markasta oo ay soo saarto shirkaddani gaadhi ku shaqayn kara Shidaal la’aan oo sifooyinkiisu ay wanaagsan yihin, waxa soo baxa shirkaddo kale oo la tartama shirkaddan Tesla , kuwaas oo ku cidhiidhya suuqa gaadiidka Laydhka ku shaqeeya oo ay hore u haysatay.

Waxa waqtigan isna suuqa soo galay gaadhiga lagu magacaabo Mustan Makh E oo laydhka ku shaqeeya, waxaanu noqday gaadhiga ay inta ugu badan hadal hayso warbaahintu, iyaga oo dhinac dhigaaya gaadiidka kale ee ay soo saartay shirkadda Tesla ,gaar ahaana sidooyinkiisa, socodkiisa iyo sicirkiisa iibks iyo baytarigiisaba.

Isna waxa caan noqday waqtigan gaadhiga lagu magacaabo Cyber Truck oo ay lee dahay shirkadda Tesla ,waxaanu noqday gaadhi indhaha usoo jiitay, ayna iibkiisa soo dalbadeen dadkii ugu badnaa, waxaana markeliyaata soo dalbaday iibkiisa laba boqol oo kun oo qof markeliyaata, isaga oo shirkadda yaalley saddex cisho oo keliyaata, isaga oo suuqyadda soo geli doona sannadka soo socda , waxa uu waqtigan helay gadhigani gaadhigii la tartami lahaa, isaga oo weliba leh muraayad weyn oo ah ta dadka oo dhan soo jiidatay.

Neuron EVT One , waa gaadhi lagu sameeyey wadanka Shiinaha , waana gaadhi cusub oo ku shaqaynaaya Shidaal la’aan ,waxaanay shirkaddaha Shiinuhu soo bandhigeen dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay, waana gaadhi leh mustaqbal ifaaya , lana tartamaaya gaadiidka yar yar ee xamuulka qaada mustaqbalka.

Haddii aanu gaadhiga Cyber Truck ee shirkadda Tesla qancin suuqyadda caalamka qaybo kamid ah, waxa waqtigan kula tartamaaya suuqyadda gaadhigan Shinaha lagu sameeyey ee Neoron EVT One , waana gaadhi dushiisa markaad eegto lagu sameeyey muraayad weyn oo indhaha soo jiidanaysa, si fududna aan u burburayn,waana mid ku dhamaystiran xaga hore iyo gaadhiga Daakhadihiisaba, waana mid siinaysa fursad mustaqbal oo suuqyadda ah.

Markaad eegto magaciisa T One , waxa u lee yahay laydhadh waaweyn oo lagu xidhay meelo badan oo gaadhigan kamid ah, waana kuwo ka caawinaaya Laydhadhkaasi in uu gaadhigani maro wadooyinka Burbursan iyo kuwa cidhiidhiga ahba.

Gudaha gaadhiga markaad eegto waxa uu qaadi karaa gaadhigani saddex qof, iyada oo saddexdan qofba ay haystaan saddex muraayadood oo ay kala soconayaan macluumaadka gaadhiga, waxa kale oo ku yaalla qalab kale oo loogu talo galay in uu caawin karo qofka gaadhiga wada , haddii ay ciladi timaado.

Waxyaalaha ugu wanaagsan ee gaadhigan Neoron T One uu lee yahay ayaa ah in loo adeegsan karo habab kala duwan, waxaana kamid ah hababka loo adeegsan karo hababka Gawaadhida Xaajiyaddaha loo yaqaano ama Pick Up-ka oo kale, sidoo kale habka gaadiidka dabada dambe xidhan ee alaabooyinka lagu qaato ayaa isagana loo isticmaali karaa.

Dhinaca Makaanikada , ilaa hadda ma shaacin shirkadda gaadhigan samaysay  Baytarigiisa iyo nooca uu yahay, laakiin waxa jira warar aan la hubin oo sheegaaya in Baytarigiisu yahay Lithium , Baytarigaas oo ah mid xajmi ahaan weyn, kaas oo gaadhiga siin kara wood dhan 120 ilaa 130 waat oo dab ah saacadiiba,waxaanay siinaysaa gaadhiga awooda dabka iyo Mashiinka saaraniba in gaadhigani jari karo saacadiiba  483 km/saacadiiba, waxaanu halkii  km  isticmaalayaa 7 waat saacadiiba, sidoo kalena 123 km /saacadiiba waxa uu isticmaali karaa mararka qaar dab intaas ka yar, laakiin macluumaadkan socodka iyo mashiinka ku saabsan ilaa hadda maaha kuwo la hubo.

Shirkadda Gaadhigan soo saartay ayaa sheegtay in gaadhigeedani noqon doon gaadhi raaxo ahaan loo isticmaalo  mustaqbalka, kaas oo leh awood ku filan oo uu ku qaban karo shaqooyin badan.

shakina kuma jiro in gaadiidka noocan ahi ay mustaqbalka dhow kusoo kordhin doonaan caalamka wax badan, laakiin arrinta yaabka leh ayaa ah sida ay adkaysiga ugu le yihiin waxyaalo badan oo qaarkood dhaawac kasoo gaadho.

 

 

 

Leave a Reply