Xukunadii Cabsida iyo Yaabka!

0
583

Suurtagal ma tahay in xayawaanka denbi lagu qaado marka ay khalad sameeyaan ? Garsoorihii da’da ahaa ayaa minbarka maxkamadda ee dacawadaha ku dhegaysto soo fadhiistay isagoo xidhan huga ay caanka ku yihiin marka ay dacwadi socoto.  Waxaana uu kor ugu dhawaaqay codkiisa dheer oo derbiyada maxkamadda ka soo noqonayay iyadoo loo malaynayo in laga daba hadlayo  waxaana uu ku dhawaaqayay: “ Keena oo soo geliya Eedaysanaha Qaacadda Maxkamadda!”  Waa goobta maxbuuska la fadhiisiyo.

Albaabkii looxa ah ee maxakamadda aya la furay waxaana soo galay afar ilaalo ciidan ah oo aad ugu xoog badan oo garbaha ku sida Qafas shebeg xadiid ah oo weyn oo gudihiisa uu ku jiro eedaysane silsilad adag ku kantiinadaysan.

Dhageysiga dacwadda ayaa furmay Xeer Ilaaliyaha Guud  ayaa tilmaamay fartana ku fiiqay eedaysanaha maxbuuska  ah ee ku jira qafiska, waxaana uu codsaday in xukunka ugu adag lagu qaado isagoo ku eedeeyay inuu cunay laba hablood oo yaryar.

Dhegaystayaasha dacwadda ayaa u jeestay dhinaca qafaska shebegga xadiidka ah, mise waxa dhex fadhiya Xayawaanka Yeyga oo indhihiisa la raac raacayay dadka dacawada dhegaysanaya.  Eedaysanaha Yeyga ah waxba kalama socdo waxa maxkamadda ka dhacaya iyo  inuu isagu sabab u yahay dadkan goobta jooga.

Mararka qaarkood waxa uu ku dhex ciyaarayay Shebegga isagoo ah geesi oo aanay kaba qasnayn. Ka dib markii xeer ilaalinta iyo  markhaatiyadii iyo cadaymihii kale la hor keenay  garsooraha oo dooda dhegaystay, waxa muran dhex maray garyaqaankii difaacayay Xayawaanka Yeyda ah oo isagu diidana denbiga lagu soo oogay Yeyga isagoo sheegay in aanu caqli lahayn oo la mid yahay qofka waalan oo kale iyo inuu weliba wakhtigaasi gaajoonayay.

Intaasi ka dib dacwaddii ayaa xidhantay, Maxkamadduna aamuus ayay gashay waxa keliya ee la maqlayay waxay ahayd neefta dhegaystayaasha dacawadda kuwaasi oo go’aanka maxkamadda sugaya.

Xaakinka iyo kaliyayaashiisa ayaa tashi galay ka dibna garsooraha ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu ridayo xayawaanka eedaysanaha ah ee Yeyda waxaana uu ku yidhi cod dheer  :” Waxa noo cadaatay inuu Yeygu denbiile yahay oo uu cunay laba hablood oo yaryar, sidaa awgeed anagoo raacayna qodobada waxyeelada ay nooluhu isu geystaan waxaanu ku ridnay ciqaab adag oo ah in la dilo ilaa ay naftu ka baxayso oo uu dhimanayo.  Iyo in xukunkaasi weliba lagu fuliyo goob dadka oo dhami goob joog ka yihiin.

Mid ka mid ah sababaha reer Yurub kiisaska xayawaanka ugu gudbinayeen maxkamadaha waxay ugu muuqatay inay ilaalinayaan sharciyada noolaha dhamaantii aragtidooda.

Tani maaha arin yaab leh maxaa yeelay Yurub qarniyadii dhexe waxay la il darayd faqri, cudurrad faafay iyo aqoondaro xadhkaha goosatay

Horumar la’aanta iyo Aqoondarada ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee xilliga madow ee taariikhda Yurub. Waaydaasi dadku waxay ku  jireen xaalad adag iyo xukuno shar badan.

Dhamaan arrimahan waxa gacan ka geystay shakiga iyo garasho la’aanta, waxa keliya ee ay dadka reer yurub wadaagayeen wuxu ahaa cabsi dhamaantood wheel u ahayd oo saamaysay.

Sidaa daraadeed, sababta ugu weyn ee loo aasaasay maxkamadeynta xayawaanka ayaa ahayd in cadaalad iyo nabad la helo. Iyo in sharciga lagu fuliyo noole kasta haduu yahay Aadami iyo xayawaan.

Waxaana cadayn u ah in marka garsooruhu xukunka ku rido xayawaanka ku dhawaaqi jiray kelmadaha :” Waxaan xayawaankan lagu xukumay dil si cadaalada loo sugo”. Ama “ Waxaanu ku xukunay xayawaankan deldelaad iyadoo laga jarayo denbigii foosha xumaa ee uu u sameeyay si cadaaladda loo sugo”.

 

Leave a Reply