Qore Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan):- Taariikhda caalamku wax badan ayay iska meteshaa isla markaana iskg egtahay oo isku si u muuqd ama iskaga mid ay noqdaan dalalka caalamku.
Dawladda Somliland waxay si iskeed ah ugu biirtay Soomaaliyadii koonfureed 1960-kii 26-dii June halka Ingiriisku uu Midawga Yurub ku biiray 1973-kii kawdii bishii koobaad.
Labadaa ku biirisood waxay soo mareen maraaxil kala duwan dawladda Somaliland iyo dadkeedu dagaal dhiig badani ku dtay ka dib waxay ka bexeen Soomaliyadii ay ku biireen 1991-dii halka dawladda Boqortooyada Ingiriiskuna ay ka baxday marxado kala duwan o ay soo martay ka dib xalay oo ay taariikhdu ahayd 01,0202020.
Laakiin waxay labada dalba soo mareen maraaxil kala duwaan Somaliland waxay afti dadweyne ku meer marisay in ay ka baxdo Soomliy 2001-dii 31 May. Halka dawladda Boqortooyada Ingiriiskuna ay ku meel marisay cod dadweyne 2016-kii.
Haddaba waxaa is bar bar dhig ku sameeyay garyaqaan/suxufi Jaamac Cawil Tarabi oo ku nool magaalada Birgham ee dalka Ingiriiska.
Waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay sababta Soomaaliya u aqbali wayday in ay Somaliland dib uga noqotay midnimadii ay la gashay lixdankii waxaanu taa ku macneeyay dulmiga ay Soomaaliya ka gashay Somaliland oo ay diiddan tahay in lagula xisaabtamo iyo in ay ka hor tegayso in loo raaco dambiyadii dagaal ee ay hore u gashay.
Waxaanu intaa u daray in ka bixista Midawya Yurub ee dawladda Ingiriska iyo ka bixidda Somaliland ee Soomaaliya in ay labaduba yihiin ka bixitaanno lagu meel mariyay afti dadweyne isla markaana loo baahan yahay in Midawga Yurub siduu u ixtiramay ka bixista dawladda Ingiriiska in Soomaaliyana ay u ixtiraamto ka bixista Somaliland.
Waxaanu yidhi. “Ingiriisku wuxuu la midoobay Midawga Yurub isagoo xor ah oo aanay cidina qasbayn 1973-dii bishii koobaad kawdeedii,halka Somaliland ay la midawday Soomaaliya 1960-kii 26 juun iyadoo aanay jirin cid ku qasabtay iyagoo dawlado kala ahaa Somaliland waxay dib uga nqotay midnimadii ay Soomaaliya la gadhay 1991 kii. Waxaana afti dadweyne lagu meel mariyay 2001-kii markaa maxaa u diiday madaxda Soomaaliya in ay ixtiraamaan rabitaanka dadweynaha reer Somaliland sida dawladaha Midawga Yurub I ixtiraameen aftidii dadweyne ee Ingiriiska ee qabsoontay 2016-kii.
Waxaan odhan karaa waxay u diidan yihiin waxay ogyihiin dhibaatooyinkii ay geysteen iyo hgardaamada ay ku hayaan Somaliland laakiin waa isku mid labada aftiyood waxaana la gudboon caalamka oo dhan in ay ixtiraamaan Somaliland go,aankeeda ay kaga soo noqotay Soomaaliy o la mid ah ka Ingiriisku uu kaga baxay Midawga Yurub laakiin haddii aftida Ingiriiskana caalamku aqbalo aftida Somaliland-na uu aqbali waayo waxay taasi u muuqataa in caddaaladda caalamku ay tahay marba sida an doonayo ayaa sax ah taasoo la mid ah sida aanay madaxda Soomliya u ixtiraamayn dib uga bixidda Somaliland ee midnimadii lixdankii.”
Garyaqaank oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “Somaliland waxay calamka hordhigtay wax cad oo ah in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala laba dal ahaayeen isla markaana dunida oo dhami ogtayay waanan ku garnaqsanaynaa waxay dunidu u kala fadishay ka bixidda Midawga Yurub ee Ingiriiska oo waliba aan dhibaato dagaal iyo xasuuq midna ka soo gaadhin Midnimadii uu Yurub la galay iyo sababta caalamku u qiimayn la,yahay Aftida Somaliland ee ka noqoshada midnimadii Lixdankii ee dhashay xaquuqa iyo dagaalka dad iyo duunyoba lagu waayay.”