Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Beeniyay Jiritaanka Waraaq Male Awaal ah oo laga Faafiyay Sanduuqa SDF

0
703

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta Xasan Maxamed Gaafaadhi,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay waraaq maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo lagu shaxeeyay  saamiyada ay goboladu ku kala leeyihiin sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Waxaanu intaa raaciyay in waraaqdaas uu faafiyay nin wariye ah isla markaana aanay waaxba ka jirin shaxda uu sameeyay iyo saamiyada uu gobolada ka siiyay midnaba.

Wasiir Gaafaadhi oo arrimahaa ka hadlayayna waaxa uu yidhi.“Waxaa illaa shalay  dalka dhex marayay waraaq shax ah oo ka hadlaysa sida lo qaybiyay barnaamijka sanduuqa horumarinta ee SDF.oo lagu sheegayo sida ay goboladu u kala heleen barnaamijyada horumarinta,shaxdaas iy qoraalkaas dalka lalaa dhex wareeyago waxaan caddaynayaa in aanay waaxba ka jirin isla markaana aanay cid ogina jirin illaa hadda madaxda SDF-na ma sheegi karaan illaa hadda siday goboladu u kala heleen sababtoo ah mashruuca hawlhihsa qabyo  ballaadhan ayaa ku jirta qaybo  badan oo ka mid ah ayaan wali soo dhammaan,markaa anigoo wasiirkii wasaaradda qorshaynta qarana ahina hadda ma sheegi karo hawl wadeenada SDF-na ma sheegi karaan markaa waraaqdaa inanka wariyaha ahi u soo qoray ee uu oo shaxeeyay waxba kama jiraan waana been abuur cad,waxaana loo baahan yahay qofka wariyaha ahi ni uu ka fiirsado waxa uu qorayo ee uu umadda usoo bandhigayo,waanan kula xisaabtamaynaa halkaana kaga hadhi mayno.”

Waxaa kale oo u wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi uu ka hadlay warar hore dawadda Soomaaliya dacaacad kaga faafisay barnaamijyo horumarineed oo laga fulinayo magaalada Berbera oo uu sheegay in Madaxda Muqdisho war raqiis ah oo been abuur ah in ay ka fidiyeen barnaamij horumarineed oo Berbera laga fulinayo  oo uu caddeeyay in aaanay wxba ka jirin wararkii xukuumadda Xamar faafisay ee ay ku sheegeen in barnaamij la yidhaahdo Yariisaw oo loogu magac daray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. “waxa jira barnaamijyo ballaadhan oo laga fulinayo Berbera oo bilaw ah isla markaana wali aan dhammaystirmin oo soconaya waana barnaamij ay qolada Soomaaliya hore u dacaayadaysay oo ay sheegtay in uu yahay barnaamij loogu magac daray Yariisaw guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir laakiin taasna waxba kama jiraan waana been abuur ay iska sheegteen waana barnaamijyadii horumarinta Somaliland.”

 

Leave a Reply