Ingiriiska Oo 47 Sanno Kadib Ka Baxay Midowga Yurub, Waayo Somaliland!!!???

0
719

Muddo 47 sannadood ah waxay Boqortooyada Ingiriisku ka mid ahayd dalalka Yurub ee ku midoobay hal magac oo ah EU oo ku noqonaya afka Somaaliga Midowga Yurub hal Baarlamaan, hal Calan, Seylad ganacsi oo mid ah, Cudud iyo siyaasad mid ah, hal Baasaboor, hal Caasimad iyo hal lacag oo laga isticmaalo dhammaan dalalka reer Yurub ee midoobay, haseyeeshee dalka Ingiriiska, ayaa isku garan waayey midnimadii Yurub ee uu iskii ugu biiray, iyadoo aanay cidna ku khasbin.

Waxa in muddo ah ka dhex socday Madaxda iyo Shacbiga ku mideysan qaabka Fedaraal ee ku kala nool Gobollada dalka Boqortooyada Ingiriiska doodo ay ku kala aragti duwanaayeen Axsaaabta ka dhisan dalkaasi, waxayna shacbiga Ingiriisku u kala jabay laba aragtiyood oo kala ahaa, in gebi ahaanba laga baxo Midowga Yurub iyo ta labaad oo ahayd in lagu sii jiro, balse waxyaabo badan u gaar ahaadaan Ingiriiska, taasna lagala xaajoodo Midowga Yurub, maadaama aanay Waqooyiga Ireland iyo Scotland-ba uga go’i Karin danahooda.

Labadaa aragtiyood ayey si xoog ah ugu kala qeybsameen shacbiga Ingiriisku, kuna kala fogaadeen, taas oo qaarkood ku tookheen inay ka goosan doonaan dalka Boqortooyada Ingiriiska haddii tooda la yeeli waayo. Xaaladdu markay halkaa gaadhay, ayaa Ra’iisal Wasaarihii waqtigaas Mr, David Cameron uu go’aamiyey in Afti dadweyne loo qaado labadaa aragtiyood, waxayna natiijadii aftidii la qaaday ku guuleystay aragtidii aaminsaneyd, in gebi ahaanba laga baxo oo laga noqdo ku biiristii Midowga Yurb.

Ra’iisal Wasaare David Cameron oo isagu ka aragti duwanaa ta ay qabeen Xisbigiisa [Conservative] iyo taageerayaashiisuba, ayaa iscasilay natiijadii aftida kadib, waxana Ra’iisal Wasaare loo dooraty haween la yidhaa Teresa May, taasoo oo iyana muddo laba sanno ku dhow wada hadallo la xidhiidha siday u kala guran lahaayeen Madaxda Midowga Yurub, haseyeeshee way ku guuldarreysatay inay wax guul ah ka keento, kadib markay isku dayday inay isku waddo labadii aragtiyood ee lagu kala baxay, si aanu u kala qeybsamin dalku.

Si kastaba ha ahaatee, waxa doodo badan kadib uu Baarlamanka Ingiriisku u codeeyeen aqlabiyaddoodu in doorasho labaad la qabto, waxana mar kale cod aqlabiyada lagaga guuleystay doorashadii Musharraxii Xisbiga (Labour-ka) ama Shaqaalaha, waxana guushii helay Boris Johnson oo soo bandhigay aragti aan wax madmadow ahi ku jirin oo ahayd, gar iyo gar la’aanba waa ka baxaynaa Midowga Yurub, taas ayeyna ku doorteen shacbiga oo muddo Saddex sannadood ah qoorta iskula jiray oo dhana loo saari waayey.

Fikraddii uu aaminsanaa Ra’iisal Wasaaraha cusub Mr, Borios Johnson waa uu socodsiiyey oo waxa uu qaatay go’aan ah, in 31 January 2020 ay ka baxayaan midnimadii ay ka midka ahaayeen ee Midowga Yurub, wixii kale ee iskugu hadhay ee ka dhexeeyana si rasmiya loo kala guri doono dabayaaqada sannadkan.

Haddaba Somaliland oo muddo Soddon sannadood oo kaliya ku jirtay Midowgii Jamhuuriyadda Somaaliya ee iskood iskugu biiray 1dii July 1960kii ee kala ahaa labadii dalka ee ay kala xukumayeen Boqortooyada Ingiriiska [Maxmiyad] iyo dalkii uu Talyaanigu gumeysanayey [Colony] ee Italian Somaliland, maxay beesha Caalamka, gaar ahaan kuwa faraha kula jira arrimaha Somaliland iyo Somaaliya ugu khasnbayaan Somaliland inay arrinta madaxbannaanideeda wada hadal kala yeelato Somaaliya, iyagoo weliba war ka haya asbaabaha ku kellifaya oo ay ka mid tahay xasuuqii, dhacii iyo dhibaatooyinkii kale ee faraha badnaa ee ka soo gaadhay midnimadii Somaaliya, maxayse u tixgelin la’yihiin Aftidii laga qaaday shacbiga Somaliland sannadkii 2000 ee ay codkooda ku dhiibteen inay noqdaan Jamhuuriyad Madaxbannaan?

Ka hor Xukuumaddii Madaxweyne Axmad Siilaanyo, waxa ay hore u ansixiyeen oo ay soo saareen Golayaasha sharci dejinta ee Wakiillada iyo Guurtida, inaan wax wada hadal ah lagala yeellan qadiyadda madaxbannaanida dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Somaaliya oo maanta ah mid aan jirinba, waxana la moodaa in dabac siyaasadeed ay innagu keentay arrintii dib looga ansixiyey Golaha Wakiillada 2012kii ee ahayd, in Dawladda Somaliland iyo ta Somaaliya geli karaan wada hadallo ku saabsan kala gurashadooda.

Mar hadday arrintii wada hadallada wax midho dhal ah aan ka weynay oo ay weliba muuqato inay dabac siyaasadeed innagu keentay, waxan qabaa inaan qaadano go’aan la mid ah kaa Ingiriisku qaatay ee ah, GAR IYO GAR LA’AANBA waa ka baxnay Midowgii Yurub, waayo Somaliland wax allaale wax u diiidaya iyo wax ay kaga duwan tahay toona ma jiraan, haddaynu kor ugu dhawaaqno gar iyo gar la’aanba waanu ka baxnay Midowgii Somaaliya, cid xaq u leh inay nagu khasbaana ma jirto, waayo Ingiriisku ba khasab Midowgii Yurub 47 sanno kadib ayuu iskii uga baxay, iyadoo beel Caalam iyo cid kale dhexdhexaadin, waayo iyaga oo qudha ayaa xaq u leh masiirkooda, Jamhuuriyadda Somaliland iyadaa xaq u leh aayo ka tashigeeda.

 

Leave a Reply