Kooxda Gaashaan iyo Hogatusaalihii Riwaayadda

0
761

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):-Kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan,ayaa shalay soo bandhigtay Riwaayad madaxdii qaranka ee daawanaysay ay aad uga heleen isla markaana ay kala dhex baxeen farriimo bulshada iyo hoggaanka qarankaba ku socda oo hogotusaale u ah sida umadi ay ku gaadho horumar.

Riwaayadda kooxda gaashaan ee ciidanka qaranka Somaliland ay shalay ku soo bandhigtay debbaal degga munaasibadda maalinta dhalashada ciidanka qaranka oo ku suntan 2-da Feebawari,ayaa ka hadlaysay dhinacyo badan oo nolosha quseeya.

Waxaana ugu horraysay waajibaadka ciidanka qaranka iyo sida ciidanku u hantay ugana soo baxay xilkii iyo wajibaadkii qaranka uu ugu idmanaa.

Riwaayadda oo lamagac baxday SIDEE LOO HORUMARAA.ayuu curiyay Abwaank da’da yare e Maxamed Xasan Axmed Halbeeg,waxaana isku dubbriday taliyah kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan Axmed Cabdilaahi Wacays iyo hoggaamintii ku xigeenka madaxa hoggaanka wacyi gelinta ciidanka qaranka Gaashaanle Dhexe Guray Gabaray iyo isku duubnidii kooxd ciidank qaranka ee Gaashaan.

Heesaha riwayadda ku jiray haddii aan laba k mid ah midba bayd ka soo qaadano,aan ku horrayno heesta xambaarsanayd magaca riwaayadda.

Su’al weeye dadyohow.

Sidee loo horumaraa.

Bulsahda Same doonaysaa.

Saboolnimo kga baxdaa.

Ma druurahaa samadiyo.

Saggaalah dirir sugbaa.

Mayee waa lagu surmiyay.

Gugoo inna seega iyo.

Dhul aan seerma waydo helin.

Sidee loo horumaraa.

M orodoo iska seexo oo.

Suryadii aad mari lahayd

Caalamku ha ii sameeyobaa.

Mayee waa silic ku nool.

Dantiisa qof seegayoo.

Qayrkii sacabka u dhigtaa.

Waxay heestaasi inna tustay hogatusaaleyaal nool oo qofka sawir muuqda ka siinaya in uu dantiisa ku foogganaado isla markaana innooga digaysa in aynu noqono baryo ku nool caalam kale oo shaqaystay in aynu wax ka sugno.

Aan soo qaadano erayo kale oo ka mid ah heesta danyar.

Heesta danyar waxay ka hadlaysaa arrimo jira oo la deris ah bulshada waxaana hadlaysa danyartii oo dawladda gurmad waydiisanaysa iyo in laga soo gaadho cid dhibtay danyarta oo ay leedahay dawladdaydaay iga qabo.

Danyar ooyaysaa tidhi.

Masaakiin ildaranoo.

Arxan doonaysaa tidhi.

Iima tudhe ganacsade.

Oontiyo daruurigu.

Inta ay marayaan.

Arag dawladaydaay.

Adeegga caafimaadkee.

Iibiyaan digtooradu.

Sidn iilka ugu galay.

Bal eeg dawladdaydaay.

Isguulada waxbarashee.

Lagu rabo adduunkee.

Danyartuna awoodayn.

Ogoow dawladdaydaay.

Waa farriin aad muhiim u ah oo kooxda gaashaan ay ka soo tebisay danyarta isla markan u baahan in hoos loo eego oo dhugasho wayn loo yeesho arrimaha ay heestu ka hadashay.

 

 

Leave a Reply