Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo Qodobaysay Waxqabadkii Sanndkii Tegay iyo qorsheyaasha soo socda

0
661

Qore:Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland,ayaa qodobaysay waxqabadkii sannadkii tegay isla markaana bayaamisay qorsheyaasha soo socda ee wasaaradda.

Koraal

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyadda waxa waajibaad balaadhani uu ka saran yahey sidii loo heli lahaa adeeg isgaadhsiineed oo hufan oo jaban islamarkaana bulshada oo dhan wada gaadha hadey tahey internetka, teleefanada iyo adeega boostadaba, sidoo kale Wasaaraddu waxa ay u xilsaaran tahey sidii loo heli lahaa tiknoolojiyad casri ah oo la jaanqaadi karta horumarka wadanka, kana dhigi karta wadanka Hoyga tiknoolojiyadda ee gobolka (regional technology hub).

Wasaaraddu iyadoo ka duuleysa waajibaadyadaas iyo kuwo kale ee ay u igman taheyba ayaa waxa ay ugu horeyn meel dhigtey qorshaha horumarinta Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Qaranka, qorshahaas oo qeexaya talaabooyinka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu qaadayso sidii horumarin buuxda looga gaadhi lahaa Isgaadhsiinta iyo teknolojiyadda casriga ah ee qaranka. Talaabooyinkaas waxa ugu muhiimsan:

  1. Helitaanka nimaad sharci  oo adag (Ground legal Framework) oo awood buuxda u siiya Wasaaradda maamulka Isgaadhsiinta iyo teknoolojiyadda casriga ah ee Qaranka, kaasi oo u saldhig u yahey xeerka Isgaadhsiinta, xeer Lr.50/2011.
  2. Kor u qaadida dakhliga kasoo xerooda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda iyo kor u qaadida awoodda fulineed ee Wasaaradda
  3. Dajinta siyaasadda maamulka teknoolojiyadda Qaranka iyo qorshaha Qaran ee Teknoolojiyadda casriga

Wasaaraddu wasa ay halkan idiin ku soo gudbineysaa faahfaahinta waxqabadka Wasaaradda ee sanad miisaaniyadeedkan:

  1. Diyaarinta Xeer-nidaamiyeyaasha Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda

Si loo helo xeer hoosaadyada iyo hageyaasha lagu maamulayo Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda Qaranka islamarkaana looga  midho dhaliyo qorshahaasha Wasaaraddu dhigatey waxa Wasaaraddu yoolka kobaad ka dhigatey sanad miisaaniyadeedkan diyaarinta xeer hoosaadyadda Isgaadhsiinta iyo teknoolojiyadda, kuwaas oo looga goleeyahey sidii Wasaaraddu si habsami leh ugu maamuli laheyd ruqsad layaasha kala duwan ee  ku hawlan adeegyada Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda  Qaranka, ilaa iyo hadda waxa Wasaaraddu diyaarisey:

  1. Xeer-Nidaamiyaha la socodka dhaqdhaqaaqa Isgaadhsiinta
  2. Xeer-Nidaamiyaha maamulka xogta macaamiisha adeegyada Isgaadhsiinta
  • Xeer-Nidaamiyaha isku-xidhka shirkadaha Isgaadhsiinta
  1. Xeer-Nidaamiyaha /hagaha goobaha Isgaadhsiinta
  2. Xeer-Nidaamiyaha liisanka iyo tacriifadaha Isgaadhsiinta
  3. Xeer-Nidaamiyaha Hirarka Isgaadhsiinta Qaranka

 

 

 

Dhamaan Xeer-Nidaamiyadaas aan kor kusoo xusney waxa ay yihiin xeer hoosaadyada ka dhashey qorshahan ay Wasaaraddu diyaarisey oo sugaya iney Wasaaraddu ansixiso laguna soo daabaco Faafinta qaranka marka laga reebo Hagaha goobaha Isgaadhsiinta oo isagu dhaqan galey laguna daabacey faafinta rasmiga ah ee Qaran kaas oo Wasaaradda u ogolaanaya iney ka warqabto dhismaha goobaha cusub ee Isgaadhsiinta.

Marka ay si rasmi ah u soo baxaan xeer hoosaadyadasi waxa ay Wasaaradda awood buuxda u heli doonta in ay si fudud uga midho-dhaliso horumarinta Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda qaranka.

  1. Dejinta Siyaasadda Maamulka Teknoolojiyadda Qaranka

waa Dajinta siyaasadda maamulka teknoolojiyadda Qaranka iyo qorshaha Qaran ee Teknoolojiyadda casriga. Si looga midho dhaliyo qorshahan waxa Wasaaraddu ay ugu horeyn diyaarisey:

2.1 Daraasaadda Heerka isticmaalka Teknoolojiyadda casriga ah ee Hay’adaha Qaranka

Daraasaddan oo lagu ogaanayo heerka isticmaalka teknoolojiyadda casriga ah ee hay’adaha qaranka, ayaa daaha ka qaadey heerka uu marayo isticmaalka teknoolojiyadda casriga ah ee Qaranku iyo sida uu u dayacan yahey Teknoolojiyadda qaranku, daraasadan ayaa waxa ay daah fur u noqotey diyaarinta siyaasadda maamulka ICT-ga laamaha dawladda taas oo ay si buuxda u ansixiyeen golaha kaabineegu.

 

2.2 Siyaasadda Maamulka ICT-ga Laamaha dawladda

Wasaaraddu Waxa kale oo sanad miisaaniyadeedkan ay diyaarisey siyaasadda muulka ICT-ga laamaha dawladda, siyaasaddan oo uu golaha wasiiraddu cod buuxda ku ansixiyeen ayaa waxa ay sahli doonta horumarinta iyo maamulka ICT-ga laamaha dawladda. Dhanka kale waxa siyaasaddani ay aas-aas u tahey sameynta siyaasad qaran oo ICT-ga iyo qorshaha qaran ee horumarinta teknoolojiyadda qaranka. Waxa kale oo siyaasadani daaha ka qaadey baahida loo qabo qabashadda shirka ICT-ga ee Qaranka.

 

2.3 Diyaarinta Hageyaasha iyo Habraacyada Siyaasadda Maamulka ICT-ga Laamaha Dawladda

Waxa sidoo kale Wasaaraddu diyaarisey hageyaasha halbeegyada iyo habraacyada ka dhashey siyaasadda maamulka ICT-ga laamaha dawladda, kuwaas oo fududeynaya maamulka ICT-ga laamaha dawlada waxaana ka mid ah: siyaasada mareegaha dawladda iyo e-mail da dawladda, Waxa markii ugu horaysay dhammaan madaxda Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda loo sameeyey E-mailo u khaas ah dawladda JSL, kuwaas oo lagu gudo jiro sidii loo hirgalin lahaa.

 

2.4 Hirgalinta Domain Dawladda u gaar ah (Sldgov.org)

Mareegaha dawladda oo ahaa kuwo kala wada duwan teknoolaji   ahaan oo aan lahayn naqshad isku mida, iyagoo isticmaalaya domain-no kala duwan. Wasaaraddu waxa markii ugu horeysey ay diyaarisey Domain dawladda U gaar ah (Sldgov.org) domain kaas oo sahli doona in guud ahaan mareegaha dawladdu hal meel ku wada xidhmaan.

  1. Qabashada Shirka Qaran ee ICT-ga

Markii koobaad taariikhda Somaliland waxa Wasaaraddu soo qabanqaabisey  Shirka heer Qaran ee ICT-ga, shirkaas oo oo halku dhagiisu ahaa “Horumarka ku dhisan Teknoolajiyadda” ayaa isku keeney aqoonyahanadda saktarka teknoolojiga, shirkadaha ka shaqeeya ama ku shaqeysta Teknoolojiga iyo jaamacaddaha ku hawlan horumarinta saktarka teknoolojiga si looga wada arrinsado heerka uu marayo teknoolojiga qaranku, caqabadaha hor taagan, saameynta uu saktarka teknoolojigu ku leeyahey saktaradda kala duwan iyo sidii loogu horumarin lahaa. Ujeedooyinka ugu waaweynina waxa ay ahaayeen sidii daneeyayaasha ICT-gu uga wada hadli lahaayeen horumarinta ICT qaran waxana u shirkani isku keeney in ka badan 300 qof.

 

Intii uu socdey shirku waxa si aqoon ku dheehan tahey looga doodey dhamaan qodobadan iyo kuwo kale waxana sidoo kale shirka barbar socotey carwo heerkeedu sareeyo oo lagu soo bandhigay heerka teknoolojiga ee Qaran, carwadan oo ay kasoo qeybgaleen shirkado yaryar iyo waaweynba iskugu jira oo ku hawlan soo saarida software solutions, iyo isticmaalka Teknoolojiyaddaha kala duwan iyo shirkado so dajiya teknoolojiga kala duwan ee qaranku isticmaalo taas oo ka dhigi karta Somaliland haddii ahmiyadda la siiyo saktarkan “Hoyga Teknoolojiyadda ee gobolka(Regional Technology Hub)”.

  1. Diyaarinta Istaraatijiyada dawlad elekteroniga ah (E-Government strategy Action plan):

Wasaaraddu iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo hirgalinta e-government system ka ayaa waxa ay diyaarisey istaraatijiyada dawladda electroniga ah ee shanta sano ee soo socota. Istaraatijiyaddan oo lagu soo bandhigey kulanka golaha wasiiradda ayaa hirgalinteeda la isla qaatey iyadoo look ala jajabin doono sanado shanta sano ee inagu soo socda.

  1. Diyaarinta Siyaasadda horumarinta Boosaha Qaranka:

Sanad miisaaniyadeedkan waxa kale oo Wasaaradda u qabsoomey sameynta siyaasadda horumarinta boostaha qaranka, siyaasaddan oo hadda ah qabyo-qoraal ayaa waxa ay sahli doontaa horumarinta adeega boosaha ee qaranka kuwaas oo wax badan ka tari doona isku socodka fariimaha ee shacabka Somaliland.

  1. Diyaarinta Agabka boosaha:

Waxa Wasaaraddu sidoo kale diyaarisey qorshe lagu soo iibinayo sanaaduuqda boosaha, qorshahaas oo meel fiican hadda maraya ayaa iskugu jira kuwo la dhigi doono xarunta dhexe ee boosaha. Sanaaduuqdaas oo cadadkoodu dhan yahey 400 oo sanduuq ayaa ah kuwo wajiga koobaad lagu bilaabi doono adeega boosaha ee dalka.

  1. Qabashada Xuska Maalinta Boosaha aduunka

Waxa Wasaaraddu soo qaban qaabisey xuska maalinta Boosaha ee aduunka oo la xusey bishii September 9-keedii ayaa waxa kasoo qeybgaley dhamaan shirkadaha gaarka loo leeyahey ee bixiya adeega Boosaha.

  1. Hirgalinta adeega Boosaha Dibadda:

Wasaaraddu waxa ay heshiisyo kala duwan la gashey wadanka aan dariska nahey ee Djabouti, heshiisyadaas oo ku qotoma sidii Boosaha Somaliland awood buuxda ugu yeelan lahaayeen adeega Boosaha ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxa sidoo kale Wasaaraaddu ay heshay sanadkan heshiisyo caalami ah.

  1. Qorsheyaasha Wasaaradda ee aan hirgalin iyo sababaha ay u hirgali waayeen:

Qorsheyaasha u yaaley Wasaaradda ee aan hirgalin waxa ugu muhiimsan:

  • Soo iibinta qalabka kormeerka taawaradda
  • Wacyigalinta bulshadda ee Maayadaha aan danabeysneyn
  • Hawlgalinta adeega boosaha ee goboladda

Qorsheyaashan ayaa badankoodu ayna u hirgalin sababo la xidhiidha kharashka, sidaa daraadeed waxa Wasaaraddu qorsheyneysaa in la hirgaliyo qorsheyaashan sanad  miisaaniyadeedka soo socda.

  1. Gunaanad

Wasaaraddu waxa ay dadaal dheeri ah ugu jirtaa sidii loo sameyn lahaa deegaan wanaagsan oo ay ku shaqeeyaan shirkadaha Isgaadhsiinta ee Qaranku si loo horumariyo Suuqa Isgaadhsiinta Somaliland. Dhinaca kale Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa daneeyeyaasha kala duwan ee ICT-ga waxa ay diyaarin doonta qorshe looga dan leeyahey sidii midhihii kasoo baxey shirkii Qaran ee ICT-ga loo hirgalin lahaa, qorshahaas oo noqon doona mid leh yool dhaw iyo yool fogba. Qorshaha fog waxa ka mid ah in la diyaariyo roadmap qeexaya sidii Somaliland u noqon laheyd regional technology hub, diyaarinta national ICT policy IWM. Ugu danbeyntii, Wasaaraddu iyadoo la kaashaneysa maalgashadayaasha dalka iyo dibadaba waxa ay diyaarin doonta sidoo kale qorshaha horumarinta Boosaha qaranka iyadoo aasaas looga dhigayo siyaasada horumarinta Boosaha Qaranka.

 

Leave a Reply