Lix Qof oo Isku Qoys ah oo ku Geeriyooday Shil Baabuur

0
461

Qore Saciid Cagjar

Burco (Dawan)- Alle ha u naxariistee Lix qof ayaa ku geeriyooday Shan kalena, way ku dhaawacmeen ka dib markii Gaadhi ay la socdeen uu kula qalibmay duleedka tuullada Galooley oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada Burco.

Gaadhigan oo noociisu ahaa NOHA, ayaa la sheegay inuu ka yimid degmada Buuhoodle kuna socday magaalada Hargeysa. dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa la soo gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Burco oo lagu dawaynayo.

Masuuliyinta caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah dadka shilkaasi ku dhaawacmay uu aad u culus yahay dhaawiciisu.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Burco Dr. Cabdi Suudi ayaa faahfaahiyey tirada dhimashada iyo dhaawaca lasoo gaadhsiiyey Cusbitaalka, waxaana uu yidhi “Maanta (Shalay) waxa uu shil baabuur ka dhacay inta u dhaxaysa Galoolay iyo Kalasharka, waxa Cusbitaalka la soo gaadhsiiyey lix dhimasho ah oo afar ay dumar yihiin iyo shan dhaawac ah oo qof aad u culus yahay dhaawaciisu, inta kale dhawaacadu wuu fudud yahay.”

Warar uu Wargeyska Dawan ka helaayo shilka ayaa sheegaaya in dadka dhintay ay ku jireen Hooyo iyo laba hablood oo ay dhashay , waxa kale oo ku dhintay hooyo iyo wiil ay dashay iyo nin dhallinyar ah .

Sida la ogyahay waxa maalinba ta xigta kor u sii badanaya shilalka gaadiidka ee guud ahaan Somaliland oo geysta khasaare naf iyo maalba iskugu jira.

 

Leave a Reply