Higsiga Wasaaradda Isgaadhsiinta ee Qorsheyaasha Qaran

0
544

Qore:Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland,ayaa samaysay qorshaha wasaaradda ee higsiga qaran ee ay wasaaraddu ku hawl gelayso isla markaana lagu abuurayo Domain dawladda gaar u ah.

Waxaanay wasaaraddu sidaa ku sheegtay warbixin dheer oo ay kaga hadashay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsheyaasha qaran ee ay ka wasaarad ahaan ku hawl gelayso.

Qormadii hore waxaan idiinku soo gudbinay qaybo ka mid ah warbixinta wasaaradda oo ay kaga hadlaysay waxyabihii u qabsoomay,qaybta labaad oo ah qorsheyaasha wasaaradda ee heer qaran ee ay ku tallaabsanayso iyo higsiga Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland,ayaa u dhignayd sidan.

2.4 Hirgalinta Domain Dawladda u gaar ah (Sldgov.org)

Mareegaha dawladda oo ahaa kuwo kala wada duwan teknoolaji ahaan oo aan lahayn naqshad isku mida, iyagoo isticmaalaya domain-no kala duwan. Wasaaraddu waxa markii ugu horreysey ay diyaarisey Domain dawladda u gaar ah (Sldgov.org) domain kaas oo sahli doona in guud ahaan mareegaha dawladdu hal meel ku wada xidhmaan.

  1. Qabashada Shirka Qaran ee ICT-ga

Markii koobaad taariikhda Somaliland waxa Wasaaraddu soo qabanqaabisey Shirka heer Qaran ee ICT-ga, shirkaas oo oo halku dhagiisu ahaa “Horumarka ku dhisan Teknoolajiyadda” ayaa isku keeney aqoonyahanadda saktarka teknoolojiga, shirkadaha ka shaqeeya ama ku shaqeysta Teknoolojiga iyo jaamacaddaha ku hawlan horumarinta saktarka teknoolojiga si looga wada arrinsado heerka uu marayo teknoolojiga qaranku, caqabadaha hor taagan, saameynta uu saktarka teknoolojigu ku leeyahey saktaradda kala duwan iyo sidii loogu horumarin lahaa. Ujeedooyinka ugu waaweynina waxa ay ahaayeen sidii daneeyayaasha ICT-gu uga wada hadli lahaayeen horumarinta ICT qaran waxana u shirkani isku keeney in ka badan 300 qof.

Intii uu socdey shirku waxa si aqooni ku dheehan tahey looga dooday dhammaan qodobadan iyo kuwo kale waxaana sidoo kale shirka barbar socotey carwo heerkeedu sarreeyo oo lagu soo bandhigay heerka teknoolojiga ee Qaran, carwadan oo ay kasoo qeybgaleen shirkado yaryar iyo waaweynba iskugu jira oo ku hawlan soo saarida software solutions, iyo isticmaalka Teknoolojiyaddaha kala duwan iyo shirkado so dejiya teknoolojiga kala duwan ee qaranku isticmaalo taas oo ka dhigi karta Somaliland haddii ahmiyadda la siiyo saktarkan “Hoyga Teknoolojiyadda ee gobolka(Regional Technology Hub)”.

  1. Diyaarinta Istaraatijiyada dawlad elekteroniga ah (E-Government strategy Action plan):

Wasaaraddu iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo hirgalinta e-government system ka ayaa waxay diyaarisey istaraatijiyada dawladda electroniga ah ee shanta sano ee soo socota. Istaraatijiyaddan oo lagu soo bandhigey kulanka golaha wasiiradda ayaa hirgalinteeda la isla qaatey iyadoo loo kala jajabin doono sanado shanta sano ee inagu soo socda.

  1. Diyaarinta Siyaasadda horumarinta Boosaha Qaranka:

Sanad miisaaniyadeedkan waxa kale oo Wasaaradda u qabsoomey sameynta siyaasadda horumarinta boostaha qaranka, siyaasaddan oo hadda ah qabyo-qoraal ayaa waxa ay sahli doontaa horumarinta adeega boosaha ee qaranka kuwaas oo wax badan ka tari doona isku socodka fariimaha ee shacabka Somaliland.

  1. Diyaarinta Agabka boosaha:

Waxa Wasaaraddu sidoo kale diyaarisey qorshe lagu soo iibinayo sanaaduuqda boosaha, qorshahaas oo meel fiican hadda maraya ayaa iskugu jira kuwo la dhigi doono xarunta dhexe ee boosaha. Sanaaduuqdaas oo cadadkoodu dhan yahey 400 oo sanduuq ayaa ah kuwo wajiga koobaad lagu bilaabi doono adeega boosaha ee dalka.

  1. Qabashada Xuska Maalinta Boosaha aduunka

Waxa Wasaaraddu soo qaban qaabisey xuska maalinta Boosaha ee aduunka oo la xusey bishii September 9-keedii ayaa waxa kasoo qeybgaley dhamaan shirkadaha gaarka loo leeyahey ee bixiya adeega Boosaha.

  1. Hirgalinta adeega Boosaha Dibadda:

Wasaaraddu waxa ay heshiisyo kala duwan la gashey wadanka aan dariska nahey ee Djabouti, heshiisyadaas oo ku qotoma sidii Boosaha Somaliland awood buuxda ugu yeelan lahaayeen adeega Boosaha ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxa sidoo kale Wasaaraaddu ay heshay sanadkan heshiisyo caalami ah.

  1. Qorsheyaasha Wasaaradda ee aan hirgalin iyo sababaha ay u hirgali waayeen:

Qorsheyaasha u yaaley Wasaaradda ee aan hirgalin waxa ugu muhiimsan:

Soo iibinta qalabka kormeerka taawaradda

Wacyigalinta bulshadda ee Maayadaha aan danabeysneyn

Hawlgalinta adeega boosaha ee goboladda

Qorsheyaashan ayaa badankoodu ayna u hirgalin sababo la xidhiidha kharashka, sidaa daraadeed waxa Wasaaraddu qorsheyneysaa in la hirgaliyo qorsheyaashan sanad miisaaniyadeedka soo socda.

  1. Gunaanad

Wasaaraddu waxa ay dadaal dheeri ah ugu jirtaa sidii loo sameyn lahaa deegaan wanaagsan oo ay ku shaqeeyaan shirkadaha Isgaadhsiinta ee Qaranku si loo horumariyo Suuqa Isgaadhsiinta Somaliland. Dhinaca kale Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa daneeyeyaasha kala duwan ee ICT-ga waxa ay diyaarin doonta qorshe looga dan leeyahey sidii midhihii kasoo baxey shirkii Qaran ee ICT-ga loo hirgalin lahaa, qorshahaas oo noqon doona mid leh yool dhaw iyo yool fogba. Qorshaha fog waxa ka mid ah in la diyaariyo roadmap qeexaya sidii Somaliland u noqon laheyd regional technology hub, diyaarinta national ICT policy IWM. Ugu danbeyntii, Wasaaraddu iyadoo la kaashaneysa maalgashadayaasha dalka iyo dibadaba waxa ay diyaarin doonta sidoo kale qorshaha horumarinta Boosaha qaranka iyadoo aasaas looga dhigayo siyaasada horumarinta Boosaha Qaranka.

 

Leave a Reply