Ciidamada Masar Oo Kaalinta Sagaalaad Kasoo Galay Ciidamada Adduunka Ugu Awooda Badan

0
1068

Ciidamada dawladda Carbeed ee Masar ayaa kaalinta sagaalaad kasoo galay Liiska Ciidamada Caalamka ugu awooda badan , sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay warbaahinta Global Fire Power oo ah warbaahin ay maamulaan urur qiimeeya awoodaha ciidan ee wadamada Caalamka.

Awooda Ciidan ee dalka Masar ayaa ka kor martay  wadamada Turkey-ga,Iran iyo Ciidamada Israa’iil oo lagu tilmaamo ciidamada ugu awooda badan wadamada Barriga Dhexe.

Sida ay baahisay shabakada Al-Ahram ee hoostagta wargeyska Al-Ahraam oo kasoo baxa wadanka Masar, qormadana uu kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in ciidamada Masar ay noqdeen ciidamada sagaalaad ee ugu awooda badan caalamka sannadkan 2020-ka, halka ay ciidamada Ingiriiska iyo Turkey-gu ay kasoo galeen kaalmaha  18-naad iyo 13-naad, sidoo kalena Ciidamada Iran iyo Israa’il ayaa kaalmaha 19-naad  iyo 17-naad soo galay.

Khubarrada samaysay cilmibaadhistan iyo xog ururintan ayaa tilmaamay in ciidamada Masar ay heerkan dhaafi karaan haddii ay tabobaro xoogan iyo hub awood leh helaan inta lagu jiro sannadkan 2020.

Leave a Reply