Gudida Illaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakilada oo Kormeer Shaqo ku soo Maray Gobolada Saaxil iyo Togdheer

0
444

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan):-Gudida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kormeer shaqo ku tegay gobolada Saaxil iyo Togdheer isla markaana soo kormeeray laamaha dawladd iyo siday u shaqeeyaan,waxaanay kulammo kala duwan la yeesheen madaxda heer gobol iyo degmooyin ee Saaxil iyo Togdheer.

Waxaa kale oo ay kormeerkooda ku tageen dhismaha dekedda cusub ee laga wado Berbera oo ay waddo shirkadda DPW.

Weftigan oo uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Gudida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku Xigeenka gudida xildhibaan Muxumed Ismaaciil Xasan Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas iyo Xildhabaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud ayaa kulamo la yeeshey Maareeye ku Xigeenka Dekedaha Somaliland Cabdi Cabdilaahi Xasan iyo Maamule ku Xigeenka Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera Carfaan Xasan Cabdoo Agaasimeyaasha Waaxda Farsamada Xisaabaadka maamulka ee Haamaha kaydka Shidaalka Berbera.waxaanay gudidu uga xog k dhegaysteen masuuliyiinta ay kulamada la yeesheen

Sidoo kale Gudida Ilaalinta iyo Daba galka Hantida Qaranka waxay u kuur galeen Ballaadhinta ka socota Dekada Cusub ee Shirkada DP World ka waddo Dekada Berbera waxaana warbixin ka dhagaysteen Hawlwadeenada Shirkada DP World ee dhisaysa dekedda Cusub ee Berbera oo ay ka mid ahaayeen Mr Anil Mr.Hennie Du Toitoo.

Sidoo kale gudidu waxa ay soo kormeereen Laamaha Dawladda sida Dawlada Hoose ee Degmada Bebera iyo xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Gobolka Saaxil waxaanay kulan la yeesheen Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin oo uga xog waramay in degmada Berbera ay fuliyeen 59 Mashruuc labadii San ee ugu dambeeyay.waxa kale oo ay soo kormeereen Kawaanka Kalluunka ee Magaalada Berbera.

Gudida dabagadka iyo Illaalinta Hantida qaranka ee golaha wakiiladu waxaa kale oo ay socdaalkooda shaqo ku tageen xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo ay soo mareen laamaha dawladda ee heer gobol iyo degmo ee Burco,waxaanay kulamo kala duwan la yeesheen mdaxda laamaha dawladda dhexe ee Togdheer iyo kuwa degmada Burco,waxanay soo kormeereen mashaariico kala duwan oo dawladda Hoose gacanta ku hayso.

Guddoomiyaha gudida ayaa sheegay in kormeerkooda shaqo waxyaabihii ay ku soo arkeen in ay u gudbin doonaan golaha wakiiladda Somaliland

 

Leave a Reply