Wasaaradda Maaliyada oo Daahfurtay Nidaamka Casriga ah ee Mushahar Bixinta

0
484

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdi Gurxan ayaa tababar u furay qaar ka mida agaasimayaasha maamulka iyo lacagaha ee hay’addaha dawlada oo lagu tababarayay habka casriga ah ee mushahar bixinta shaqaalaha ee electronicga ah.

Sidoo kale xidhiidhayaha mashruuca PFM ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Xasan Faarax oo goobtaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ayaa sheegay in hanaanka casriga ahi uu meesha ka saari doono wixii loo yaqaanay ‘Caaglaha’.

Amiin Abshir oo ka mida ahaa xubnaha tababarkani bixinayay kana tirsan wasaaradda maaliyada oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Halkan maanta waxaa aanu isugu yeedhnay tobankii wasaaraddood ee ugu horeeyay, iyada oo mihiimaddu ay tahay in mushaharka shaqaalaha lagu diyaariyo hanaanka casriga ah ee electronic iyo qaabka dunidu ay u shaqeyso, iyo qodobka labaad oo ah heshiisyadda ay dawladu gasho in ay noqdo mid si fudud loo maamulo, ilaalinayana in aanu heshiisna ka badan paymentkii iyo heshiiskii mashruucaasi lagu galay”

Sidoo kale xidhiidhayaha mashruuca PFM ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Xasan Faarax oo goobtaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ayaa sheegay in hannaanka casriga ahi uu meesha ka saari doono wixii loo yaqaanay ‘Caaglaha’ waxaanu yidhi “Nidaamka aad halkan ku baran doontaan waxaa uu maamuli doonaa dhammaan wixii la xidhiidha mushahar bixinta, waxaanu ku xidhnaan doona hadhaw nidaam lagu maamuli doono shaqaalaha dawlada, oo ay soo wado hay’adda shaqaalaha dawlada waxaana meesha ka bixi doona wixii loo yaqaanay ‘Caaglaha’,”

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdi Gurxan ayaa sheegay in mushaharka hay’addaha dawladda lagu bixin doona hanaanka casriga ah ee nidaamka diyaarinta qaybtiisa mushaharka waxaanu yidhi “In mushaharka shaqaalaha aynu ku diyaarino inaga oo adeegsaneyna nidaamka is-wadda ee Enfiska la yidhaaho oo markii u horeysay wasaaradda maaliyadu dhawrkii bilood ee u danbeysay ay iyaddu isticmaaleysay, wasaaradda horumarinta maaliyadduna tusaale ayay u tahay barnaamijkasta oo aynu fulineyno inay fulintiisa iyo qaadashadiisa ay hormood uga noqoto wasaaraddaha kale, marka bisha Febary waxaa aynu mushaharka ku diyaarin doona inaga oo isticmaaleyna nidaamka diyaarinta qaybtiisa mushaharka”

Leave a Reply