Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka oo Beeniyey War Baraha Bulshada lagu Baahiyahay

0
428

 

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland mudane Cabdirashiid Maxamed Cali Riyo Raac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cod baraha bulshadu ku kulanto dhex socday maalinmihiii ugu danbeeyey, oo la sheegay in uu isaga yahay, taasi oo uu sheegay in technologyadda casriga ahi ay sababeyso in wax badan la sameeyo.

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay garooonka diyaaraduhu ay ka haadaan ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland mudane Cabdirashiid Maxamed Cali Riyo Raac isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Warka waan maqlay waxba kama jiraan waad og tihiin oo Koomishaneero hore ayaa laga sameeyay, masuuliyiin ayaa laga sameeyay, codkaasi ma jiro warkaasina waa wax imika dhalinyaradu iska baratay oo barnaamijyo yaryar oo iska jaban inta la sameysto codadka dadka iyo hadalka lagu sameeyo marka arrintaasi waxba kama jiraan.”

Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland mudane Cabdirashiid Maxamed Cali Riyo Raac waxa uu tilmaamay in arrintaasi aanay ka suuroobin isaga, waxaanu yidhi “Igamana suurawdo in aan maanta reero ama cid gaara aan iska maago sababto ah anigu hadda siyaasadii waan ka baxay, imika nin dhexdhexaada oo Komishaneera oo aan dhinacna aheyn ayaan ahey, marka arrintaasi waxba kama jiraan ayaan leeyahay”

 

Leave a Reply