Madaxweynaha Jabuuti oo Safiirkii u Horreeyey ee Kenya Qasrigiisa ku Qaabilay

0
466

Qore Maxamuud Walaaleeye

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa shalay waraaqaha aqoonsiga kaga gudoomay Qasriga Madaxtooyada, safiirka cusub ee u horreeyay dalka Kenya u fadhiya Jabuuti Mr. John Mwangemi.

Sida lagu baahiyey wakaalada wararka Djibouti shalay, khudbad uu ka jeediyay munaasabaddan, safiirka Kenya ee Jabuuti Mr. John Mwangemi wuxuu u gudbiyey madaxweyne Geelle salaam uu uga siday saaxiibkii, Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wuxuu sheegay in xidhiidhka qotadda dheer ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Kenya lagu gaadhay iskaashi wanaagsan oo saaxiibtinimo, is ixtiraam aan kala go’ lahayn ee mustaqbalka qaaradda.

Danjire Mwangemi ayaa sheegay in labada dala y wadagaan aragti midaysan marka laga hadlayo arrimaha Africa, waxaanu yidhi, “Waxaan wadaageynaa aragti midaysan oo Afrikaan ah, annaga oo leh ballanqaad wadajir ah, si aan uga wada shaqeyno dhisitaanka Afrika xor ah, xasilloon oo barwaaqo ah dhammaan muwaadiniintayada iyo jiilalka mustaqbalka.”

Danjiraha ayaa si gaar ah u xusay booqashada rasmiga ah ee Madaxweyaha Kenya uu ku yimi Djibouti sannadkii 2018, kaas oo ka marag kacaya rabitaanka Madaxweyne Ismacil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Uhurru Kenyatta si loo kobciyo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Furitaanka safaaradda Kenya ee Jabuuti waxay sidoo kale muujineysaa ahmiyada ay la leedahay is-dhexgalka gobolka, kobcinta nabadda, amniga iyo sameynta iskaashi wax ku ool ah.

“Waxaa sharaf ii ah in aan noqdo safiirkii ugu horreeyay Kenya ee yimaada Jamhuuriyadda Jabuuti. Si taas loo gaadho, waxaan ballan qaadayaa inaan si hagar-la’aan ah ula shaqeyn doono anigoo kaashanaya dowladda Djibouti si loo hubiyo hirgelinta heshiisyada iyo isfahamka ee la saxeexay muddadii booqashadaada Mudane, ‘ayuu yidhi.

Dhiniciisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhoweeyay danjiraha cusub ee Kenya u fadhiya Jabuuti, isaga oo sheegay in la taageeri doono inta lagu gudajiro howshiisa.

 

Leave a Reply