Isbitaal Weyn oo Lagu Dhisay Todobaad!

0
425

Dawladda Shiinaha ayaa mudada kooban ee uu ka dilaacay xanuunka Crona Virus ku dhistay isbitaal weyn oo lagu karantiimeyo dadka uu xanuunkani asiibay si loo xakameeyo oo aanu u faafin.

Isbitaalkan oo laga dhisay magaalada uu ka dilaacay xanuunku ee Waahuun oo ku taalla badhtamaha dalkaasi, waxa lagu dhamays tiray muddo 14 maalmood.

Sidoo kalena dalka Shiinaha waxa soo food saaray dhaqaale xumo tan iyo markii uu cudurkani dilaacay, ka dib markii albaabada loo laabay wershidihii waaweyna kuwaasi oo 50% dhaqaalaha Shiinaha ku fadhiyo. Waxaana dhaqaalaha Shiinaha hoos u dhaciisa gaadhay 1/3.

Dalalka saliidda soo saara ee loo yaqaan Opec iyo Ruushka ayaa ku shiray xarunta ururkaasi oo ku taalla Viana, waxaana ay isla eegeen sida uu halis u yahay xanuunkani iyo in laga digtoonaado. Waxa kale oo werwer ka muujiyeen sida dhaqaalaha shiinaha uu saamayn weyn ugu leeyahay qiimaha saliidda, waayo Shiinaha waa dalka ugu weyn ee saliid caydhin

Leave a Reply