Qore: Khadar C. Muuse
Hargaysa (Dawan):- Dalladda Nafis Network waxay cod-dheer ugu baaqaysaa in dawladda Somaliland ay ansixiso siyaasadda iyo xeerka joojinta Gudniinka Hablaha inta lagu guddo-jiro sannadkan 2020-ka.
Dalladda Nafis oo ka shaqaysa u ololaynta joojinta Gudniinka Hablaha ayaa ka dalbatay xukuumadda Somaliland in ay dhiirri-geliso xeerna ka soo saarto xaqqa ay Haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda islaamka waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda.
Dalladda NAFIS oo xarunteedu tahay magaaladda Hargaysa ka-na wakiil ah 20-ka urur ee xubnaha ka ah iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawllan joojinta Gudniinka Hablaha waxay sheegeen in Gudniinka Habluhu uu qayb ka yahay caadooyinka lagu dhibaateeyo haweenka.
Sidoo kale-na uu yahay xad-gudub ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha, iyadoo 99% Hablaha Somaliland ay maraan dhibaatadda Gudniinka, isla markaana aanay jirin xeer iyo siyaasad mamnuucaya caadadan.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray dalladda Nafis Network oo lagu soo beegay maalinta caalamiga ah ee joojinta Gudniinka Habalaha oo ku beegan 6da bisha Feburary.
War-saxaafadeedkaas oo ay ku saxeexnayd Khadra Cumar Xassan, Guddoomiyaha daladda Nafis oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska DAWAN.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:
War saxaafadeed ku saabsan ansixinta xeerka Jooiinta qudniinka hablaha:
Maalinta caalamiga ah ee joojinta Gudniinka Habalaha oo ku beegan 6da bisha Feburary, waxa ay Dalladda heer qaran ee la dagaallanka Gudniinka Habalaha ee NAFIS ugu baaqaysaa dawladda Somaliland in ay meel mariso xeerka iyo siyaasadda joojinta Gudniinka Habalaha, kaasoo muddo dheer qabyo-qoraal ahaa.
Qodobka 36 (2) ee Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland waxa uu farayaa in “Xukuumaddu ay dhiirri-geliso xeerna ka soo saarto xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda islaamka waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda”.
Sidoo kale, qodobka 24 (2) ee dastuurku waxa ay dammaanad qaadday in “Qof kastaa xaq u leeyahay in la nabad geliyo jidhkiisa; dhaawac iyo waxyeello kastoo jidhkiisa loo geystaana ay reebban tahay”.
Gudniinka Habluhu waxa uu qayb ka yahay caadooyinka lagu dhibaateeyo haweenka, sidoo kale-na waa xad gudub ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha.
99% Hablaha Somaliland waxa ay maraan dhibaatada Gudniinka, mana jiraan xeer iyo siyaasad mamnuucaya caadadan. Taasoo macneheedu yahay in aanay dawladdu ka lahayn mawqif cad oo lagu maareeyo caado dhaqameedkan waxyeellada ku ah haweenka.
Qorshaha horumarinta qaran ka ee labaad, waxa ay dawladda Somaliland ku ayidday Yoolasha Horumarka Waara, oo uu ka mid yahay yoolka 5aad bartilmaameedkiisa 3aad oo si cad u qeexaya in la joojiyo caadooyinka dhibaatada leh sida Gudniinka Hablaha. Maadaama ay dawladdu u hogaansan tahay xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee ilaaliyanaya xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa nugul ee ay ka mid yihiin haweenku.
Meel marinta xeerka iyo siyaasadda joojinta Gudniinka Habluhu waxa ay noqon doontaa tallaabo togan oo ay hore u qaadday dawladda Somaliland, si loo gaadho ilaalinta xuquuqda muwaadinka ee uu dastuurku dammaanad qaaday.
Dalladda NAFIS, iyada oo ka wakiil ah 20-ka urur ee xubnaha ka ah iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawllan joojinta Gudniinka Hablaha, waxay cod-dheer ugu baaqaysaa in dawladda Somaliland ansixiso siyaasadda iyo xeerka joojinta Gudniinka Hablaha, inta lagu guddo-jiro sannadkan 2020-ka.
Dib u dhac kastoo ku yimaadda helida xeer iyo siyaasad cad oo joojinaysa dhibaatadda Gudniinka Habluhu, waxa ay sii tarminaysaa dhaawaca maalinlaha ah ee loo gaysto hablaheena.
Waxa ayna diciifinaysaa dedaaladda loogu jiro joojinta Gudniinka Hablaha, taasoo ka dhigi doonta Somaliland waddan ka dib dhaca ilaalinta xuquuqda haweenka.
“bad-baadi hablaheenna oo ansixi xeerka iyo siyaasadda Gudniinka Hablaha”.