“Dacaayadan waxaa ka Shaqeeyay Dad ka Xun Xidhiidhka Fiican ee Labada dawladood.”xildhibaan Axmed Barkhadle

0
543

Qore:: Khadar Cabdi Muuse

Saylac (Dawan): Xildhibaanadaasi   Axmed Muxumed Barkhadle, oo ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka degmada Saylac,ayaa waxba kaman jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in baabuur Hub sidday oo dhawaan lagu qabtay deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ka soo gudbay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti.

Waxaanu xildhibaanku sheegay in arrintaas ay ka dambeeyaan dad cadow ah oo doonaya in ay  fidno iyo colaad  dhex dhigaan dawladaha walaalaha ah ee Somaliland iyo Jabuuti.

Baabuurkaasi ayaa dabayaaqadii bishii hore lagu qabtay tuulladda magaallo-Qaran oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay saarnaayeen 39 baastooladood iyo saddex nin.

Waxaana jirtay  markii warka qabashadda Hubkaasi soo baxay  hadal-hayn iyo falan-qayn la isla dhex marayay baraha bulshadda ee internet-ka oo sheegayay in baabuurkaasi ka soo gudbay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti ee Lawyo-caddo.

Xildhibaan Axmed Muxumed Barkhadle, oo xalay khadka telefanka ugu waramay wargeyska Dawan, isagoo joogay magaaladda Hargeysa ayaa ugu baaqay dawladaha Somaliland iyo Jabuuti in baadhitaan wada jir ah lagu sameeyo halka warkaasi ka yimid.

Waxaanu yidhi, “Wax suurto-gal ah maaha, in Jabuuti Hub  ka yimaado oo uu Somaliland soo gallo. Ama uu Hub Somaliland ka tago oo uu Jabuuti gallo. Baabuurta yar yar oo isku socdaa ma jiraan.

Waa baabuur Xamuulka wadda, gawaadhida Xamuulka wadda ee Jabuuti ka yimaadaa, waxay alaabta keenaan Lama-degaanka. Waxaana Lama-degaanka ka soo qaadda baabuurta Somaliland, oo Saylac keenna.

Kuwaas ayaana u soo gudbiya Wajaale, Hargaysa ama Boorama. Arrintaas waa dacaayad la sameeyay, labadda dal-na xidhiidhkoodda lagu dhaawacayo, waxna kama jiraan arrintaasi”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Labada dawladoodba waa in ay baadhaan halka uu ka yimid warkaasi. Waajibaadkeedana la mariyo cidda ama meesha lagu hello.

Dadka deggan xuduudka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland waa dad amniga ku fiican, oo haddii waxaas oo kale ay dhacaan, dadka ayaaba dawladda uga horraynaya.

Waxaanan leeyahay labadda dawladood-ba haka shaqeeyaan warkaasi meeshii uu ka yimid, sidii loo heli lahaa”

Geesta kale xildhibaanku waxa uu sheegay in meesha baabuurkaasi lagu qabtay aanay xuduud wadaagin gobolka Selel, sidaas darteedna uu cadayn karo in aanu jirin gaadhi ka soo gudbay Saylac oo u gudbay Itoobiya.

Waxaanu yidhi, “Meesha baabuurkaasi lagu qabtay gobolka Selel xuduud lama laha. Magaallo-Qaran ayaa la yidhaahdaa, Wajaale ayaanay Koonfur ka xigtaa. Baabuurkana Taarikadda waa lagu xidhan karaa.

Midhka aanu annagu cadayn karno ee ah, waxa tahay wax Somaliland ka soo galay maaha, oo Itoobiya u gudbay ma jiraan. Arrinta aan ka hadlayaa waxa weeye, gaadhi Jabuuti laga leeyahay, oo inta uu Somaliland dhex maray, uga gudbay Itoobiya  ma jiro”.

Ugu danbayn xildhibaanka ayaa ku baaqay dawladaha Somaliland iyo Jabuuti in ay wada jir uga shaqeeyaan sidii loo cadayn lahaa halka warkaasi ka yimid. Maadaama oo labadda dal uu ka dhexeeyo xidhiidh aad u wanaagsan oo dhinacyo badan leh.

“Dacaayadan waxaa ka shaqeeyay dad ka xun xidhiidhka fiican ee  ka dhexeeya labadda dawladood ee walaaha ah, ee Somaliland iyo Jabuuti. Isku socod wanaagsan ayay leeyihiin, xidhiidh ganacsi ayaa ka dhexeeya.

Waxaan leeyahay labaduba ha baadhaan meesha warkaasi ka yimid, oo ha ka wada shaqeeyaan halka warkaasi laga keenay, sidii ay u heli lahaayeen”ayuu yidhi Axmed Muxumed Barkhadle.

Leave a Reply