Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo lagu soo Dhaweeyay Dalka Holand

0
704

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Wasiirka  Wasaarada  Ganacsiga  Dalxiiska  iyo  Wershadaha    Somaliland   Maxamuud  Xasan  Sacad   Saajin    iyo  Guddoomiyaha  Rugta  Ganacsiga   Somaliland    Jamaal  Caydiid  Ibraahim  ayaa  lagu  soo  dhaweeyay  Wadanka  Holand oo  ay   Socdaal  ku  tageen.

Waxaana     halkaasi  ku  soo    dhaweeyay  Guddoomiye  ku  Xigeenka  Jaaliyadda  Somaliland  ee  dalka  Holand   Axmed  Aaden   kaas  oo  wakiil ka ahaa  Guddoomiyaha Jaaliyadda  reer  Somaliland  ee  Wadanka  Holand    Maxamuud  Cabdala  Digaale  iyo    jaaliyadda  reer  Somaliland  ee  Wadanka    Holand.

Guddoomiye  ku  Xigeenka  Jaaliyadda  Somaliland  ee  dalka   Holand  Axmed  Aaden  oo halkaas    hadal  ka  jeediyay  ayaa soo  dhawaynta weftiga uu wasiirku hoggaaminayo,ayaa   sheegay  in  Jaaliyadda  Holand  ee  Somaliland  markasta  soo  dhaweeyaan  Madaxda  Somaliland  ee   socdaalka  ku  yimaada  Wadanka  Holand,isla  markaana  ay  farxad u tahay  inay  socdaal  ku  yimadaan  Wadanka  Holand Wasiirka  Wasaarada  Ganacsiga  Dalxiiska  iyo  Warshadaha.

Wasiirka Wasaarada    Ganacsiga  Wershadaha  iyo  Dalxiiska   Maxamuud  Xasan  Saajin  Sacad    iyo  Guddoomiyaha  Rugta  Ganacsiga  Somaliland  Jamaal  Caydiid  Ibraahim  oo  iyaguna  halkaas hadal ka  jeediyay  ayaa   uga  Mahad naqay    Jaaliyadda  Somaliland  ee  Holand  sida  ay usoo  dhaweeyeen.

 

 

 

Leave a Reply