“Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurku waxay u Taagan Tahay Sarraynta Sharciga.”

0
471

Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,ayaa  sheegay in Somaliland horumar iyo barwaaqo ay ku gaadhi karto oo keliya marka ay waddaniyadda iyo dal jacaylku u shaqeeyo isla markaana dadku uu noqdo mid keliya.

Waxaanu sidaa ka sheegay kulan ay soo qaban qaabiyeen ardayda Jaamacaddaa Hargeysa oo lagaga hadlayay waddaniyadda iyo doorka dhallinyarada,kulankaas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda Somaliland,maamulka Jaamacadda iyo marti sharaf hal door ah.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo kulankaa soo gunaanaday ayaa ka hadlay muhiimadda ay umad jirta u leedahay waddaniyaddu iyo sida loogu gaadho heera ugu sarreeya ee horumar iyo barwaaqo,waxaanu u mahad celiyay dhallinyarada Jaamacadda Hargeysa ee soo qaban qaabiyay kulankaas isagoo ku dhiirri geliyay in ay halkaa ka soo wadaan oo ay dadkooda gaadhsiiyaan hadafka waddan,diin iyo dal jacaylka ah ee loo baahan yahay in aynu gaadhno.\

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Waddaniyaddu waa dareen xoog badan oo ku jira dad ama ummad ama qof  kaas oo ka turjumaya diin jacayl,dal jacayl iyo dad jacayl,markaa wa in aynu is waydiino waddaniyadda aynu doonaynaa waa taas ee ma nahay,haddii aynaan ahayn waa in aynu ahaano oo aynu noqono.

Wax kasta oo ay umadi doonayso  in ay qabataa waxay u baahan tahay aqoon  iyo samir,aqoontii waad leedihiin in aad muujisaan iyo in aad ku dhaqantaanba,laakiin waxaad ogaataan in ay leedahay waxyaabo badan oo kaa hor imanaya oo ah in aad u diyaar garawdo,haddii aad doonayso in aad ku dhaqanto waxa aad doonayso oo ah  in aad aragto ummad waddaniyadda,diin jacaylka iyo dal   jacaylku ay dhab ka tahay.”

Wsiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa iftiimiyay haddii la gaadho hadafka ah waddan,diin iyo dal jacayl in ay tahay halka aynu ummad ahaan ka helayno waxkasta oo aynu u baahannahay,waxaanu yidhi. “Halkaa haddii aynu   gaadhno waxay horsed ka tahay caddaalad loo siman yahay oo aynu mid ka nahay in aynu gaadhno. Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland markii uu ololaha tartanka ku jiray waxaa uu ballan qaaday oo hadalkiisa hormuud ka ahaa waxaa sarrayn doona sharciga,wasaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurku waxay u xilsaaran tahay sidii uu sharcigu u sarrayn lahaa,wasaaaradda waxbarashada iyo sayniska waxaaanu kala saxeexanay sannadkii tegay  in aanu hirgelino maadada la yidhaahdo waddaniyadda oo lagu dhigo  illaa heer jaamacadeed illaa dugsiyada sare iyo dhexe.”

 

 

Leave a Reply