Dhaqanada Iyo Caadooyinka Dunida!

0
525

Dhaqano iyo caadooyin kala duwan ayaa dunida laga sameeyaa, kuwaasi oo xidhiidh la leh meertada nolosha sida aroosyada, geerida , farxadda iyo murugadaba.

Dalka Jarmalka waxa laga isticmaalaa caadooyin hore oo qadiim ah laakiin haddan wakhtigan loo adeegsado aroosyada, taasi oo ah in labada qof ee arooska ahi ay  miishaar ku wada jaraan hal qori iyagoo is kaashanaya.

Arintan aya loola jeeda inay labada qof nolosha waxa kasta wadaagayaan dhibaato kastana iska kaashanayaan iyagoo wakhtiyada adagna si wadajir ah uga gudbaya.

Dalka Shiinaha ayaa isna bulshooyin ka mid ah ay caado u leeyihiin in Aroosku uu gabadha aroosadda ah ku tuuro leeb aan lahayn madaxayo oo aan waxb yeelayn, ka dibna inta uu soo qaado uu jebjebiyo si uu ugu muujiyo kalgacalka uu qabo gabadhiisa.

 

Leave a Reply