Burco: Xukuumadda oo Agabka Biyaha lagu Kaydiyo u Qeybisay Barakacayaal

0
519

“Annagu (Xukuumadda) wixii awoodayda ah ee aanu qaban karno diyaar baannu u ahay in aanu qabano”

 

 

Burco (Dawan): Guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa shalay booqday goobaha ay degan yihiin qoysaska baraokaceyaasha ah ee magaaladda Burco.

Waxaanu soo kormeeray guddoomiyuhu xeryaha ay dadkaasi ku jireen, isagoona dadkaasi qoxoontiga ah u qaybiyay qalabka biyaha lagu kaydsado.

Taangiyadaasi biyaha lagu keydsado oo dhammaa 20 xabadood oo midkiiba uu qaadayo 3000 oo Litir oo biyo ah, kuwaas oo ay baahi weyn u qabeen qoysaska loo qaybiyay.

Kormeerkaasi waxaa ku wehelinayay maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, badhasaabk ku-xigeenka gobolka Togdheer, xubno ka tirsan golaha degaanka Burco, iyo madax dhaqameed.

Goobihii uu Cabdikariin Xinif, kormeerka ku tegay waxaa ka mid ahaa Kaamka 18-ka May, oo dhawaan loo rarray dadkii deganaa halkaasi meel u dhaw garoonka diyaaradaha Burco oo loo yaqaano Fadh-fadhiisay.

Kuwaasoo la dejiyay meello ay iyagu leeyihiin oo ay u dhistay dawladda hoose ee Burco. Inkasta oo qoysaskaasi barokaceyaasha ah ay dawladda hoose ee Burco u dhistay guryo ayaa hadana waxay qabaan baahiyaha nololasha bani’aadamka aasaasiga u ah, sida Waddooyin, caafimaad, biyo iyo waxyaabo kale. Sida uu sheegay maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, oo guddoomiyaha hay’adda barokaceyaasha warbixin ka siinayay xaaladda nololeed ee qoysaskaasi.

Waxaanu yidhi, “Guddoomiyaha hay’adda barokaceyaashu saaka (shalay), wuxuu u marayaa haddii aad tihiin reer Maloosh iyo 18-ka May, inuu xaaladiina eego, oo u kuur-gallo baahiyaha xaafadan ka jira, hoos u eego.

Masaajid haddii ay tahay, Mal-caamad haddii ay tahay, Iskuul haddii ay tahay, dhakhtar haddii ay tahay, haddii ay Waddadii tahay, iyo haddii ay saldhigii booliska tahayba. Intaaba in madaxdu hoos u eegto, kadibna wixii la qaban karayo dawlad ahaan la qabto”.

Guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa maayarka Burco ku ammaanay wax ka qabashadda arrimaha bulshadda.

“Maayarka Burco, wuxuu noqday Somaliland oo dhan, maayarka hadday Iskuullo noqoto, iyo haday MCH-yo noqoto, ugu badan ee wax ka qabtay degmadiisa uu xukumo, caawiya ee gacan ka gaysta. Waa Somaliland oo dhan, Hargaysa ayuu ku laban- laabmay” ayuu yidhi C/kariin Xinif.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Haddii qofka waxqabadkiisa la dafiro ama indhaha laga qarsado, mushkilad uun baa timaada, waa la isku calool xumaadaa uun.

Waxqabadkaa wuu leeyahay maayarka Burco, golihiisa degaankuna way la leeyihiin, iyo maamulka gobolkuba. Waanan uga mahad naqaynaa”.

C/kariin Xinif, ayaa ballan qaaday inuu diyaar u yahay in wax laga qabto baahiyaha ay dadkaasi qabaan, isla markaana wixii u horeeyay uu yahay Qarbadyada biyaha ee uu shalay gaadhsiiyay.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Anigu kolayba wixii awoodayda ah, ee aan qaban karro diyaar baan u ahay in aan qabto.

Wixii ugu horeeyayna, 20 Qarbad ayaan idiin sidaa imika, oo midkiiba qaadayo 3000 oo Litir oo biyo ah. Guddoomiyaha ayaan ku wareejinayaa, isaga ayaana idiin qaybin donna”.

Geesta kale waxaa ka mid ahayd goobihii uu guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu kormeerka ku soo maray Koomka Guryo-samo, oo ay isna ku nool yihiin dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen abaarihii hore dalka u soo maray gaar ahaan sanadkii 2017-kii.

Kuwaasoo kadib markii ay xoolahoodii ka baxeen u soo hayaamay xagga magaalooyinka, isla markaana ku nool xeryo barokaceyaal ku yihiin.

Qoysaskaasi oo tiradoodda lagu qiyaasay 270,000 oo qoys oo aan haysan gebi ahaanba adeegyadii nolosha aasaasiga u ahaa.

Dhinaca kale xubno madax dhaqameed ahaa oo halkaas hadallo ka jeediyay ayaa baaq dheer u dhiray xukuumadda Somaliland, hay’adaha caalamka iyo cid kastoo jecel in ay wax ku caawiyaan dadkaasi barokaceyaasha in lala soo gaadho xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin.

Leave a Reply