Xidhiidhada Kubadda Cagta Somaliland iyo Itoobiya oo Kulan ku wada Yeeshay Addis-ababa

0
490

Hargeysa(Dawan):-Xidhiidhada kubadda cagta Somaliland iyo Itoobiya ayaa kulan ku wada yeeshay xarunta dalka Itoobiya ee Addis-abab,kulankaas oo labada dhinac ay kaga wada hadleen sidii ay u wada yeelan lahaayeen wada shaqayn joogto ah.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Maxamed-Amiin Cabdi Dixood oo safar shaqo ku joogay maalmihii ugu dambeeyay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta dalka Itoobiya Football Federation EFF ahna Guddoomiye ku-xigeenka CECAFA Mr. Issayas Jira iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Guddida Fullinta EFF.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Maxamed Ammiin Cabdi Dixood ayaa waxa uu war-bixin ka siiyay Xidhiidhka Kubada Cagta ee dalka Itoobiya ciyaaraha kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan kubadda cagta isaga oo usoo ban-dhigay wax-qabadkii u qabsoomay muddadii u jiray,isagoo usoo ban-dhigay Qorshayaasha Mustaqbalka ee u Qorshaysan Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax baddan oo ay xaq u leeyihiin uu kaga maqan yihiin Xidhiidhada Kubaddaha Cagta ee kala ah CECAFA, CAF iyo FIFA, taas oo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Ethiopia ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta Barriga iyo Badhtamaha Afrika CECAFA uu ka muujiyey garawshiyo dheeriya iyo tallooyinba.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta ee Itoobiya ayaa waxa uu ballanqaaday in Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ay ka Caawin doonaan Tababarada Garsoorka, Tababarka Macallimiinta Qalabka iyo qaab dhismeedkiisa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Ethiopia Mr. Issayes Jira ayaa ku Hambalyeeyay Xidhiidhka Kubbada Somaliland waxa u qabsoomay, waxaanu sheegay inay wada shaqeyn la yeelan doonaan Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland.

Leave a Reply