Ciljaayadii Yurub Ee Dadka Gumaaday!

0
599

Aqoontii gaabnayd ee cilmiga caafimaadka ee Yurub iyo Maraykanka ka jirtay ayaa horseeday qarnigii 19aad inay caan ka noqdaan cilaajyada ay haystaan dad sheeganaya inay yihiin kuwa dadka ka dawyanaya xanuuno oo dhan.

Cilaajyadaasi waxa ka mid ahaa mid dalka Maraykanka ay ka furatay islaan lagu magacaabi jiray Barfield Hazzard. Waxba kamay aqoon cilmiga caafimaadka laakiin waxay ka faa’iidaysatay sharcigii iyo nidaamkii aan adkayn dalkaasi Maraykanka oo wakhtigaasi kala dhantaalaa. Sababtaasi ayaa keentay inay iskeed ugu shaqaysato khurafaad ay aaminsanayd iyo aqoondaro horaantii sanadkii 1900.

Astaanta halkudhiga dewaynteeda ayaa ahaa “ Gaajada aya bogsiisa xanuunada”. Waxay cuntada u diidi jirtay bukaanada iyadoo u ogalayd oo keliya wax yar oo tamnaadho cas ah iyo maraq dhir lagu daray.   Xaqiiqdii waxay aaminsanayd in gaajadu ay jidhka ka baabiinayso dhamaan sunta iyo xanuunada ku jira.

Waxay ahayd arrin laga xumaado in bukaano badani oo ka cabanayay gaajo aanay u ogolaan raashin ilaa ay ku dhinteen. Sanadkii 1902 ayuu Bukaankii u horeeyay gaajo u dhintay laakiin waxay ku guulaysatay inaan garsoorka iyo maxkamadaha loo gudbin.

Mudadaasi wixii ka danbeeyay iyada ayaa fasax u heshay cilaaj gaar ah, waxaana xarunta cilaajkeeda gaajo ugu dhintay 40 qof. Waxa kale oo ku jiray bukaan isna wakhtigaasi u dhintay rasaas madax kaga dhacday oo ilaa maanta kiiskiisu yahay hal xidhaale aan la fahmin.

Dadka aqoonta caafimaad lahayn waxay ku abuuraan mushkulad ka sii weyn tan haysta bukaanka, waana kuwa cilaajyo aan aqoon caafimaad ku lamaanayn ka shaqaysanaya.

Leave a Reply