Shimbirkii Denbiilaha Sheegay!

0
530

Weriye lagu magacaabo Mr.Viga Sharma oo Hindiya u dhashay  oo degan gobolka Atrbaraadish ee waqooyiga dalkaasi ayaa markii uu ku soo noqday gurigiisa la kulmay xaaskiisa Niolam Shram iyo eygiis oo la dilay isla markaana dhintay.

Weriyuhu aad ayuu u naxay isagoo filayay in aanu heli doonin sharci loogu fuliyo kuwii arxanka daraaa ee dilay  xaaskiisa iyo eyga, maxaa yeelay mahayo markhaatiyo goob joog ah oo qiraya cidda geysatay dilalkaasi.

Waxase dhacay arrin yaab leh markii uu soo galay wiilka uu abtiga u yahay isagoo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku dhacday ayay qaylisay oo oohin bilowday shimbirka babaqaaga ee uu lahaa oo guriga joogtay.

Shimbirka ayaa marka kasta oo magaciisa la soo qaado wiilkan bilaabayay oohin joogto ah. Wiilkan oo lagu magacaabo Ashutosh ayuu booliiska gaadhsiiyay Abtigii Mr.Sharma inay baadhis ku sameeyaan wiilka oo uu ka shakiyay inuu dilka geystay.

Booliska ayaa u yeedhay isla markaana su’aalo badan weydiiyay, waxaana uu markii danbe u qirtay inuu isagu dilka Islaanta iyo Eygaba geystay.  Waxaana uu qirtay in isagoo guriga xadaya ay Islaantu usoo gashay ka dibna ka baqday inay booliiska u sheegto.

Isagoo intaasi raaciyay in Eyga sababta uu u dilayna ay ahayd isagoo ka baqday inuu Eygu sheego inuu yahay kan dilka Islaanta geystay.

Leave a Reply