Hoggaamiyaha Koonfurta Suudaan Oo Ogolaaday Qaar Ka Mida Shuruudihii Mucaaradka dalkiisa

0
574

South Sudan: Madaxweynaha South Sudan Salva-kiir ayaa ogolaaday inuu yareeyo tirada dowlad goboleedyada dalka, taasi oo ahayd codsiga ugu weyn oo uu mucaaradka dalbanayey si loo soo afjaro dagaalladii sokeeye oo loo dhiso dowlad loo dhan yahay.

Madaxweyne Salva-kiir iyo Madaxii hore fallaagada Riek Machar ayaa cadaadis caalami ah la kulmaya si ay u soo afjaraan meel marinta heshiiska nabadeed oo ay horay u wada gaareen.

Waxaana labada dhinac loogu baaqay kulankooda toddobaadka soo socda ay yeelanayaan inta aan la gaadhin wixi ay isku fahmi la’yihiin inay xalliyaan.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa tallaabadan ku qeexay mid xanuun badan balse ay tahay lagama maarmaan haddii ay nabad ay keeneyso.

Hataan waxaa la sugayaa jawaabta Riek Machar balse Hogaamiyehii hore ee mucaaradka ayaa ku adakeystay dhimista tirada gobollada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply