Kumanaan Ruux Oo Maydad Ah Ayaa Laga Soo Saaray Xabaal Wadareedyo Ku Yaalla Dalka Burundi

0
484

Burundi : Masuuliyiinta dalka Burundi ayaa ku dhawaaqay in ay soo saareen in kabadan 6,000 oo maydad ah kuwaas oo laga soo saaray illaa lix xabaal wadareed oo dalkaasi ku yaalo.

Xabaalahan ayaa laga helay gobolka Karusi oo kamid ah goobaha ugu waa wayn uu xasuuqa dalkaasi ka dhacay.

Madaxa gudiga qaran ee dib u heshiisiinta ayaa wariyaasha u sheegay in ay wali u hadhsan yihiin 6,032 dhibane.

Xasuuqa dhacay 1972’kii ayaa la’aamin san yahay in loo gaystay qoomiyada Hutu.

Dalka Burundi ayaana tobonaan sano ladaalaa dhacayay dagaalo sokeeye oo ka saleesan qoomiyado.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply