Kulan Xal Loogu Raadinaayo Dhinacyada Isku Haya Xukunka Dalka Liibiya Oo Ka Furmaaya Magaalada Munich

0
553

Munich(Dawan)-Dhinacyada isku haya Xukunka Liibiya ayaa waxaa lagu dhex-dhexaadinayaa Magaalada Munich ee Dalka Jamalka.

bayaan laga soo saaray shir caalami ah oo Magaalada Munich ee dalka Jarmalka ka dhacay ayaa la sheegay in xal loogu raadinayo iyo Xabad-joojin iyo degenanaasho laga dhaliyo dalka Liibiya, iyadoo shirkaas laga soo saaray bayaan dhinacyo badan taabanaya iyo heshiis dhex dhigi kara dhinacyada kala duwan ee Liibiya.

Xaaladda dalka Liibiya ayaa noqonaysa mid faraha ka bax noqon kara, maadaama ay sii xoogaysteen colaadaha ka taagan dalkaasi, iyadoo ay jiraan hub iyo ciidamo dheeraad ah oo ku qulqulaya dalkaasi si ay u kala taageeraan dhinacyada isku haya halkaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply