Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Qaranka oo Socdaal ku Jooga Gobolka Sanaag

0
1428

Ceerigaabo (Dawan):- Abaanduulaha 1aad ee Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Guuto C.risaaq Siciid Bulaale oo uu Weheliyo Taliyaha cusub ee qaybta 3aad ee Ciidanka qaranka Sareeye Guuto Muuse Jaamac Delef ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Ceerigaabo.

Weftigan ka tirsan Ciidanka qaranka waxaa duleedka magaaladda Ceerigaabo ku qaabilay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan, Taliyihii hore ee qaybta sadexaad ee ciidanka qaranka Gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan oo loo bedelay qaybta 12aad ee ciidanka qaranka Madax dhaqameed iyo dadweyne kale.

Taliyihii hore ee qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Faysal Cabdi Bootaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Imaatinka abaanduulaha 1aad ee Ciidanka qaranka iyo taliyaha cusub ee bedeli doona isaga.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa sheegay in Guud ahaan deegaanada gobolka sanaag ay wakhtigan yihiin kuwo nabdoon.

Qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Sanaag ayaa dhankooda ku nuux nuuxsaday guulihii waxqabad ee u suurto galay Taliyihii hore ee qaybta sadexaad ee ciidanka qaranka oo ay ugu mudan tahay nabad ka aslaaxinta deegaanka Ceel afweyn waxayna Codsadeen In taliyahaas lagu abaal mariyo wanaagii uu qarankiisa u horseeday.

Abaanduulaha 1aad ee Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Guuto C.risaaq Siciid Bulaale iyo Taliyaha cusub ee qaybta 3aad ee Ciidanka qaranka Sareeye Guuto Muuse Jaamac Delef ayaa dhankooda uga mahadceliyey Ciidanka qaranka, Maamulka Gobolka Sanaag iyo Madax dhaqameedka Gobolkaasi soo dhawaynta balaadhan ee ay ku maamuuseen.

Leave a Reply