Hooyo Soomaali ah oo laga Qaaday Lix Caruur

0
524
Minnesota.(Dawan)-Hay’adda daryeelka caruurta ee magaalada East Grand Folks ee gobolka Minnesota ayaa bishii hore ee January hooyo Soomaaliyeed ka wareejisay 6 caruur ah oo ay dhashay.

Hooyadan oo lagu magacaabo Nimco Khaliif ayaa, in kasta oo aan la caddeyn, ay hay’addu sheegtay in caruurtu aanay agteeda aamin ku ahayn.

Aabihii caruurta dhalay oo sugaya inuu qoyskiisa ku soo biiro ayaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday bishii June ee sanadkii hore.

Leave a Reply