Madaxweynaha oo Somalilnad Sheegay in la Furayo Urruradda Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka

0
473

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyay in la furayo ururadda siyaasadda iyo axsaabta qaranka, si xal loogu helo muranka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadiisa iyo axsaabta siyaasadda.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in jidka kaliya ee caqabadaasi lagaga gudbi karaa ay tahay in la soo hor-mariyo furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka. Maadaama oo labadii sannadood ee la soo dhaafay ay ku lumeen muranka xisbiyada Mucaaradka,

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd ee uu shalay ka hor jeediyay fadhi-wada jir ah oo ay yeesheen goleyaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtidda iyo Wakiiladda).

Waxaanu sheegay si loo guddo gallo furitaanka ururadda siyaadda iyo axsaabta qaranka inuu dhawaan u gudbin doono goleyaasha sharci dejinta xeerarka doorashooyinka ee arrintaasi khuseeya, si kaabis iyo Wax-ka-bedel loogu sameeyo.

Madaxweyne Biixi, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, shantii sanno ee kasta waa in shacabka jamhuuriyadda Somaliland u darreero doorasho uu ku soo doorto goleyaasha iyo hoggaanka dalka.

Muddadii labada sanno ahayd ee xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dedaal ugu jirtay sidii doorashooyinkii golaha Wakiilladda iyo goleyaasha degaanku u qabsoomi lahaayeen.

Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka isku-sidkan, wixii kaga aadanaa xukuumadda”.

Geesta kale madaxweyne Biixi, ayaa ku dhaliilay axsaabta mucaaradka Somaliland in ay muran aan weli maaro loo helin ka keeneen komishankii doorashooyinka ee hore iyo kuwa cusub ee hadda joogaba.

Kuwaas oo diidan komishanka cusub ee dhawaan la sameeyay oo la soo mariyay dhamaanba jaran-jarooyinkii sharci.

“Xisbiyadda mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxaa la soo magacaabay komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa.

Hase yeeshee, labada xisbi mucaarad ayaa hadda-na diiday in ay doorasho qabtaan xubnihii komishanka doorashooyinka qaranka ee ay ansixiyeen golaha fulinta iyo golaha Wakiilladda, maxkammadda Sare-na dhaarisay”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.

Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka gudan doontaaan”.

 

 

Leave a Reply