Wasiirka Xidhidhka Goleyaasha oo la Kulman Gudida Dib u Habaynta Shuruucda Qaranka

0
612

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay gudida dib u habaynta shuruucda qaranka oo hadda hoostimaadda wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimha dastuurka.

Gudida iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay hawlaha shaqo ee hadda u yaalla iyo siday u kala horreeyaan.waxaanay ka wada hadleen xeerarka haddaa ay gacanta ku hayaan ee shaqo ahaan ay ku hawlan yihiin.

Kulankaas ayaa daarranaa dardargelinta hawlaha Shaqo ee Sida Wada jirka ah u wada Wadaan Wasaarada iyo Gudidu Taas oo ah dib u habaynta Xeerarka Taas oo Hada Gacanta lagu Hayo kaabista iyo Wax-ka Bedelka Xeerka Ciqaabta Guud ee Qaranka oo ku dhow gebo-gebo sidoo kalena dhawaan lasoo bandhigi doono.

 

Leave a Reply