Wasiirka Ciyaaraha oo ka Hadlay Goobaha loo Cayimay Xuska maalinta Dhalinyaradda

0
686

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland mudane Boose Mire Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in maalinta khamiista ay guuud ahaan goboladda dalka ka dhici doonaan hadii ILLAAHEY yidhaaho munaasibaddo lagu weynaynayo maalinta Qaran ee dhalinyaradda Somaliland.

Wasiir Boos waxaa uu dhallinyaradda goboladda dalka ugu baaqay in weyneynta maalintan ay si mugleh uga qayb qaataan, taas oo lagu qaban doono fagaareyaasha magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland mudane Boose Mire Maxamed isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi “Maalinta dhalinyaradda Somaliland waxaa loo aqoonsaday maalinta 20-ka Febarwary inay tahay maalintii Qaran ee dhallinyarradda Somaliland, maalinta Khamiista ayaaney ku beegan tahay maalintaas aad iyo aad ayeynu u xoojinaynaa.

Dhammaan waxaan doonaya inaan halkan uga sheego wakiiladda Sonyo ee goboladda jooga iyo isuduwayaasha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha iyo ciddii kale ee ka soo qayb geli jirtay in maalintaasi lagu qaban doono fagaareyaasha waaweyn, magaalada Hargeysa Beerta Xoriyadda ayuunbay ka dhacaysa hadii ILLAAHEY yidhaaho, gobol walbana waxaa ay ka dhici doonta meelihii fagaarayaasha ahaa ee loogu tallo galay

Leave a Reply