Sool: Badhasaabka Oo Bogaadiyay Khudbaddii Madaxwaynaha iyo Ku-Xigeenkiisa Oo Qaabilay Masuuliyiin Ka Socday Wasaaradda Beeraha

0
481

Laascaanood (Dawan): Guddoomiyaha Gobolka Sool C/qani Maxamuud (Jiidhe), ayaa sheegay in gobolka Sool xaaladiisa guud ee dhinacyadda amaanka iyo horumarku uu maraayo halkii ugu saraysay.

Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayuu sheegay badhasaabku in uu ka muuqdo horumar weyn oo dhanka bilicda, horumarinta mashaariicaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo nabad gelyada ah.

Waxaanu xusay in horumarkaasi si fiican looga dheehankaro marka la isu eego halkii ay markii hore joogtay iyo koritaanka balaadhan ee ay wakhiyadan danbe samaysay.

C/qani Maxamuud (Jiidhe), oo shalay waraysi gaara siiyay wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA waxa uu tilmaamay in dhinac kastaba uu is-bedel weyni ka tisqaaday gobolka Sool.

Geesta kale badhasaabka gobolka Sool ayaa bogaadiyay khudbadii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, uu shalay ka hor jeediyay labada golle Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiiladda.

Guddoomiyaha ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in ay si wada jira meel loogaga soo wada jeeddo ilaalinta, jiritaanka iyo qadiyadda Somaliland oo aan si fudud ku iman.

Waxaanu ku sifeeyay in bulshadu tahay mid Dooni kaliya wada saaran qof kastana waajib ka saran yahay ilaalinteed, wixii siyaasad ahna ay dadku uga danbeeyaan dawladda.

Dhinaca kale badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye Joof, ayaa shalay xafiiska gobolka ku qaabilay khubarro iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.

Masuuliyiintaasi ka socday wasaaradda beeraha Somaliland waxaa hogaaminayay khabiir dhinaca beeraha ah, Ibraahim Cumar Kaahin, ayaa isugu jiray agaasimeyaal, la-taliyeyaal iyo xubno kale.

U jeedadda safarka ay masuuliyiintaasi ku tegeen gobolka Sool ayaa ahayd sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen, isla markaana qiimayn ugu samayn lahaayeen xaaladda wasaaradda beeraha ee gobolka Sool.

Waxaana masuuliyiintaas ka mid ahaa Maxamed Cilmi, oo ah la taliyaha wasiirka beeraha Somaliland, Cali C/laahi Ibraahim, agaasimaha waaxda cilmi-baadhista ee wasaaradda beeraha Somaliland iyo Jaamac Axmed Jaamac.

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda horumarinta beeraha. Waxaana kulankaasi ku wehelinayay isu-duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Sool.

Masuuliyiintaasi iyo khubaradaasi ayaa ururin doona mudadda ay gobolka Sool joogaan xaaladda horumarinta gobolka iyo wax-soo-saarkiisa.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool ayaa soo dhaweeyay weftigani, isagoona uga mahad celiyay masuuliyiintaasi iyo khubaradaasi safarkan qiimaynta iyo xog ururinta ah ee ay ku yimaadeen gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waan idin soo dhawaynayaa weftigan ka socda wasaaradda beeraha, ee saaka (shalay) xafiiska gobolka noogu yimid. Waxay u yimaadeen xog ururin iyo sidii loo heli lahaa xogta wax-soo-saarka iyo meelaha ugu haboon ee wax laga beeri karo.

Waxaan filayaa arrinta aad u socotaan muhiimadeedu waa waa xog ururin gobolkan Sool laga samayno, iyadoo Somaliland oo dhan laga soo qabtay.

Xogta aad ururinaysaan, sida aad sheegteen ilaa beri (maanta) in aad nala joogaysaan, oo jaamacadaha iyo cidii kale ee xog laga heli karaba, aad xog ururin dhamaystiran qaadanaysaan”.

Saleebaan Diiriye Joof, waxa uu sheegay in wasaaradda beeruhu ay ka mid tahay wasaarradaha dawladda ee ay aadka u danaynayeen in ay qiimayn ka sameeyaan gobolka Sool.

“Anagu ka gobol Sool ahaan, marka la eego Somaliland gebi ahaanba, wasaarradaha dalka ka jira, wasaaradda beeruhu waxay ka mid tahay wasaarradaha aanu filaynay in ay noo timaado, oo ay xog badan naga ururiso.

Waayo? Markii aanu dalka eegnay, biyo-xidheenadda, dooxooyinka biyaha roobka ee iska tegaya, abaaraha soo noq-noqda, xog badan oo dheeraad ah in la hello, anaga ayaa runtii aad u danaynay” ayuu yidhi badhasaab xigeenka Sool.

Sidoo kale masuuliyiintii ka socday wasaaradda beeraha ee halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday ayaa sheegay in ay wadaan mashruuc dhanka horumarinta beeraha iyo Beeyadda ah.

 

Leave a Reply