“Dhibaatada Maalintaa Dhacday Waxaa Sababay Caddaalad Darro Innaguna…”

0
761

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka oo ka Hadlay 38 Guurada ka soo wareegtay maalintii Dhagaxtuurka Hargeysa

 

 

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha komishanka Xuquuqal Insaanka qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa aqoonyahanka Somaliland ee xadhigoodii uu sababay dhagaxtuurkii ka dhacay Hargeysa 1982-dii xilligii xukuumaddii Kali Taliye Siyaad Barre uu hoggaaminayay ee dalkan iyo dadkiisaba baabiisay.

Guddoomiye Maxamed Baaruud oo waraysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan, ayaa isagoo ka hadlayay sababtii dhagaxtuurku uga dhacay Hargeysa, waxaa uu yidhi. “38 sanno ka hor maanta oo kale waxaa dhacay dhagaxtuur ay sameeyeen ardaydii dhallinyarada ahayd ee Hargeysa oo ka gadoodsanaa xadhiga loo geystay macalimiintoodii iyo dad kale oo aqoonyahan ah oo reer Somaliland ah oo la xidh xidhay, dhagaxtuurkaasna xataa dhimasho, ayaa ka dhacday.”

Guddoomiye Maxamed Baaruud oo aanu waydiinay sababta loo xidhay aqoonyahankaa iyo macalimiinta reer Somaliland, ayaa yidhi. “Waxay ka hadleen oo ay qaadan kari waayeen caddalad darro ka jirtay dhankasta oo ah wixii la wada lahaa ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliweyn oo dhinac ka rarnaa markii ay ka hadleenna xadhig iyo cabudhin ayay ku galeen waana ta sababtay in ay ardaydiina ka gadoodo markii maxkamadda la keenayay.”

Guddoomiye Maxamed Baaruud oo aanu waydiinay si aanay taas oo kale u dhicin waxa Somaliland looga baahan yahay, ayaa yidhi. “Horta waxaas oo dhibaato ah waxaa keentay caddaalad darro, innaguna (Somaliland) waxaynu u samaysanay hay’addaha xuquuqal insaanka in aanay waxaas oo kale dhicin, waxaaana inagu wada waajib ah dhamaanteen in aynu noqono dad isku naf ah oo isku damqada oo waliba aad u i illaaliya xuquuqal insaanka isla markaana aad u illaaliya dadka nugul, kuwa xidhanna xuquuqdooda illaaliya kuwa jilicsanna daryeelkooda illaaliya oo la socda waxkasta oo qofka muwaadinka ahi uu xaq u leeyahay in aan la kala bursan jidka ay Somaliland ku socotaana waa jidkaa wax la wada leeyahay ee isku nafta la wada yahay,Insha ALLAH in aanay taas oo kale dalkeena dib uga dhicinna ALLE ayaan ka baryaynaa.”

Leave a Reply