Wasiirka Warfaafinta oo Tababar u Soo Xidhay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda

0
621

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa soo xidhay tababar muddo laba maalmood ah u socday agaasimayaasha waaxyaha iyo madax qaybeeyadda wasaaradda warfaafinta oo barnayey hogaaminta.

Wasiirku waxaa uu sheegay in kor loo qaadi doono guud ahaan wasaaradda warfaafinta, gaar ahaana Tv-ga Qaranka Somaliland, Idaacadda iyo wargeyska Dawan.

“Hogaamintu waa waxa uu bini’aadamku ku guuleysto meelkasta oo uu joogo, anigu waxaan jecelahay in nuxurka muwaadinimadda iyo sida waddanka loogu adeegayo, islamarkaana uu qof waliba fahmo waxaa uu meesha u joogo, ama wasiir u dhawaad noqo, ama madaxweyne u dhawaad noqo, ama xukuumadd u dhawaad noqo, waa in qofku muwaadinimadda fahmaa, ogaadana in meeshu gurigiisi tahay, ay dadkiisi tahay masuuliyadiisi tahay, una fahmo in uu dadka u shaqeynayo”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa daboolka ka qaaday inay dhisayaan Tiyaatarka ugu quruxda badan waxaanu yihdi “Haday tahay Idaacadda, iyo wasaaradda iyo haday shaqaale tahayba in aanu wasaaradda dib u habeyn ku sameyno oo aanu badelo oo ay noqdaan wax cusub oo wasaaraddu hore u kacday, waxaanu wadnaa Idaacadda oo gaadheysa geeska Afrika, waxaanu wadnaa Tv-gii, in aanu keeno Tiyaatarka ugu quruxda badan oo la kireeyo oo si wanaagsan loo maamulo oo bini’aadamka soo jiita, in aanu sameyno Tv maxaliya iyo mid dibadeedba, waxaanu rabnaa Tvga Qaranka iyo idaacadda Qaranka in aanu isku xidhno islamarkaana si daahfuran loo maamulo, waxaynu isku ceebsaneyna in aynu boodhka iska tuno, oo gaadhiga habeyno, oo qofka xannuusanaya aynu daweyno, aynu wax u raadino shaqaalaha oo hay’addaha iyo dallka aynu gallo”

Cabdiraxmaan Cali Xirsi oo ah macalinka tababarkani bixinayay ayaa sharaxay faa’iidada tababarkani u yeelan doono shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta “Waxaan ku hanbalyeynayaa wasaaradda warfaafinta in ay yihiin xaruntii u horeysay ee barnaamijkani ka faa’ideysta”

 

Leave a Reply