Qore Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Waxay ahayd khudbad si dhab ah loogu dhegtaagayey oo wakhtiga iyo duruufuhu xallad iyo xiiso badan oo ay xambaarsanayd u yeelleen, waxaana si gaara xiiso ugu sameeyey dhacdooyinkii iyo dhambaaladdii dhegaha bulshada ruxay labadii todobaad ee u dambeeyey.
Waxaana quluubta shacabka si aan la qiyaasi karin uga dhex guuxayey dhowr qodob oo sidii dhacday la filayey in uu madaxweynuhuhu kaga hadli doono khudbaddiisa , kuwaasoo ay dadka siyaasadda ka faallooda iyo bulshada kale ee caadiga ahiba si isku mida u danaynayeen.
Dhanka kale, Waxa ay ahayd khudbad soo afjartay is-diidmooyin iyo dood ka taagnaa mandaqada Geeska Afrika muddo ku siman todobaad oo ay dabeysha siyaasadda gobolku foorre cusub keentay, dhinaca kalena furtay faallo iyo faaqidaad kale oo hor leh oo dadka ujeeddo badan ku noqotay.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Isniintii ina dhaaftay u jeediyey labada gole ee Baarlamanka khudbad socotay saacad iyo Il-bidhiqsiyo,dadweynuhuna si toosa ugala socdeen Idaacada iyo Telefishanka Dawladda, ayaa kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya Siyaasadda arrimaha dibada, gudaha iyo guud ahaan marxalada uu dalku marayo.
Madaxweyne Muuse oo khudbadiisa kaga hadlay afar qodob oo ku qotoma Dhaqaalaha, Adeegyada Bulshada, nabad-gelyada iyo siyaasadda dibada oo udub-dhexaad u ahaa hadalka madaxweynaha, isla markaana xambaarsanaa jawaabaha su’aallo badan oo dhex wareegayey maskaxda Shacbiga.
Fadhiga labada gole oo lagu qabtay Hoolka golaha Guurtida, waxa ku sugnaa oo dhegeysiga khudbada ka qaybgalay inta badan xubnaha golaha Wasiirrada, hogaanka Xisbiga talada haya, Saxaafadda iyo tiro dad ah oo ka socday hal-doorka bulshada.
mid kamida musawirrada indhaha daawadeyaasha iyo dhegeystayaashu aanay ka libiqsanayn ayaa ka muuqday dhabarka dambe ee goobta madaxweynuhu ka hadlayey, waxaana halkaasi safnaa Taliyeyaasha Ciidamada, madaxda Xisbiga Kulmiye oo ay weheliyaan xubno kamida guddida fulinta, Wasiirro iyo madaxweyne ku-xigeenadii hore ee dalka soo maray qaarkood, kuwaasoo dhamaantood ku fooraray Buug-yaraha khudbada lagu soo diyaariyey.
Khudbada oo marka la yimaado wakhtiga ay socotay, qoraalkeedu ka koobnaa dhowr bog oo si farshaxan leh loogu qodobeeyey, waxa uu madaxweynuhu ugu horayn si qoto dheer ugu sharaxay Dhaqaalaha dalka oo uu ku daray korodhka wax-soosaarka, hannaanka maamulka miisaaniyada iyo waxyaabaha lugta jiidaya dhaqaalaha dalka.
“Hal-beega Cabirka Dhaqaalaha (GDP) ee JSL waxa uu kordhay 2% labadii sanno ee ugu dambeeyey.
“Sannadkii 2019-ka waxa dibedda innooga timi badeecad qiimaheedu dhan yahay $572,713,970 oo ku qiimaysan (Customs Import – Export Value), waxaynu dhoofinay badeecad qiimaheedu dhan yahay $211,732,852, faraqooduna waa ($360,981,118), taas oo innagu ah dhiig-bax dhaqaale.”ayuu ku sheegay madaxweynuhu khudbadiisa mar uu ka hadlayey arrimaha dhaqaalaha.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu si hufan oo saafan uga hadlay arrimaha bulshada adeegyada wax laga qabtay sanadkii la soo dhaafay iyo qorshaha sanadkan, waxaanu si xoggogaalnimo ka muuqato u sheegay “Waxa cisbitaallada, xannaanooyinka iyo rugaha caafimaadka lagu daweeyey 526,273 qof oo iskugu jira Bukaan-socod iyo Bukaan-jiif.”
Nabad-gelyada ayuu sidoo kale ku dheeraaday madaxweynuhu isagoo ka warbixiyey xaalada nabad-gelyo ee dalka oo uu ka waramay wixii laga qabtay sanadkii hore iyo qorshaha sanadkan, waxaanu tilmaamay in hoos-u-dhac ku yimi falalka amni-darada ahi sanadkii tegay, mahad-na waxa uu u jeediyey dhamaan ciidamada qalabka sida.
Dhinaca kale, khudbada madaxweyne Biixi oo aad uga duwanayd khudbadihii uu jeediyey sanadihii 2018 iyo 2019 bishan oo kale, aadna uga duwanayd kuwii madaxweyneyaashii hore goleyaasha u jeedin jireen, ayaa waxa ugu muc iyo miisaan cuslaa laba qodob oo kala siyaasadda arrimaha dibada iyo Doorashooyinka, kuwaasoo xambaarsanaa shiish iyo shirrab cusub.
Mar uu ka hadlayey arrimaha Doorashooyinka, waxa madaxweynuhu sheegay in uu furayo Ururrada Siyaasadda oo uu ka soo dedejinayo wakhtiga xeerku mudeeyey oo ku beegan sanadka 2022-ka, taasoo si weyn loogu sacab-tumay madasha golaha, laf-dhuun-gashayna noqotay Xisbiyada Qaranka, gaar ahaa mucaaridka oo deg deg uga dareen-celiyey, balse aan diidmo iyo yeelmo cad midna ka keenin.
Dadka falanqeeya Siyaasadda iyo doorashooyinka ayaa arragtiyo kala duwan ka bixiyey qodobkaasi, waxaase loo badan yahay in aan waxba ku jabnayn in furro Ururrada, daawo-na ay u noqon karto muranka xag-daaciyey geedi-socodka Doorashooyinka iyo cudurka sadheeyey meeqaamka Xisbiyada iminka jira oo dadka fikirkaas qabaa aaminsan yihiin in ay ku milmeen qabaa’il, kana tageen mustawihii dhexdhexaadnimo iyo qaran.
Waxa kale oo dadka dooddaasi qabaa aaminsan yihiin in qorshaha furista Ururrada uu muddooyinkii u dambeeyeyba madaxweynuhu ka baaraan-degayey, in uu ku dhawaaqaana ay muujinayso in uu dhamaystiray qorshahaasi.
Hase yeeshee Xeel-dheerayaasha aragtidan dhinaca kale ka taagan, ayaa qaba in arrinta furista ururrada ee uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey tahay hanjabaad ku socota xisbiyada mucaaridka oo labadii sannadood ee uu xukunka hayey caqabad ku noqday siyaasaddiisa qabashada Doorashooyinka muddo-dhaafay, laguna dhaliilsan yahay waa WADDANI iyo UCID’e hab-dhaqankooda wixii ka dambeeyey Doorashadii Madaxtooyada.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan doonaya in ay isku tijaabiyaan midaanka siyaasadda iyo hogaaminta waddanka, ayuu hadalka madaxweynuhu ku abuuray yihdiddiilo cusub, dareen heer sare ahna ku soo dhaweeyey in la furo Xisbiyada badan.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu khudbadiisa kaga hadlay oo uu ku dheeraaday dhabaha siyaasadda arrimaha dibada, waxaanu daboolka ka qaaday in howlaha Ictiraaf raadinta xukuumaddiisu xoogga qaarada Afrika, lana gaadhsiiyey qadiyada Somaliland waddamo badan oo qaarada ah, kuwii hore cilaaqaadkoodu u jirayna boodhka laga tumay xidhiidhkooda.
Madaxweyne Biixi waxa uu ma dhacdo iyo riyo aan meesha oolin ku tilmaamay warar borobogaande ah oo maalmihii ina dhaafay bulshada ku dhex baahay, gaar ahaan in Madaxweynaha Soomaaliya Hargeysa imanayo, taasoo uu ku sifeeyey arrin khayaali ah oo aan marnaba loo meel dayin suurto-galnimadeeda.
Waxa uu sheegay in kulankii Addis ababa ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Reysal-wasaare Abiy uu ahaa mid uu ku kediyey Reysal-wasaaraha Itoobiya, hase ahaatee aanu jirin wax heshiis ah oo uu la gaadhay labada masuul iyo wax ajande ah oo kulankaasi lahaa, waxaanu xusay in ay ku balameen in ay Somaliland dhankeeda diyaar u tahay wadahadalladii u dhexeeyey Soomaaliya, garteeduna u diyaar-san tahay oo aan waxba dhulka ka oolin.
Waxa kale oo soo dhaweeyey raali-gelintii Madaxweynaha Soomaaliya ka bixiyey dhibaatooyinkii lagula kacay Shacbiga Somaliland, wuxuuse cadeeyey in hadalka Farmaajo ay bi’isay durista Kooxihii halganka kala hor-yimi Dawladdii Siyaad Barre si ay dadkooda u badbaadiyeen, kuwaasoo uu madaxweyne Biixi far waaweyn ugu qoray ujeeddooyinkii ay u dagaalamayeen.
Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu labada gole iyo shacabka u beyaamiyey sida ay uga go’antahay Xukuumaddiisa suurto-gelinta sidii qadiyada Somaliland loogu furi lahaa madal garsoor iyo guddoon caalami ah jooggaan, dedaal badana ay ku bixiyeen arrintaasi, waxaanu muujiyey kalsooni iyo ku-dhac shacbiga aad u soo jiitay.
Waxa kale oo khudbadiisa ka muuqday in uu farriimo cad-cad u diray wadamada Gobolka, kuwa arrimaha Somaliland daneeya iyo guud ahaan beesha caalamka, farrimahaasoo jawaab u noqday cid kasta oo madmadow kaga jiro ama uu ka galay doodda Somaliland.
Docda kale, Dadweynaha ku dhaqan magaallooyinka waaweyn ee dalka oo ay Telefishanada Maxaliga ahi ra’yigooda waydiiyeen, ayaa soo dhaweeyey khudbada Madaxweynaha,waxaana dadku si khaasa loo soo dhaweeyeen arrinta furista Ururrada Siyaasadda iyo tognaanta siyaasadda arrimaha dibada.