Hargeysa : Tartanka Maradonka Somaliland ee 42km iyo 10 km oo Lasoo Gabagabeeyey

0
543

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed  ayaa soo gabo-gabeeyay tartanka orodada Maradoonka ee 42km iyo 10km  oo ay ku tar-tamayeen dhallinyaro  badan oo isaga yimid deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa  .

Image may contain: 8 people, people standing

Wasiirka Dhalinyaraddda iyo Ciyaaraha Somaliland, mudane Boos Mire Maxamed , Wasiirka arrimaha gudaha , Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuuliyin kale ayaa ka hadlay muhiimadu uu orodku u leeyahay da’ yarta .waxaanay si weyn u hambalyeeyeen dhallinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi.

Gebo-gebadiina waxa halkaasi abaal-marinno iyo shahaadooyin la guddonsiiyay dhallinyaradii ku guulaystaya kaalmaha hore  oo uu kaalinta kowaad ee 42km u galay , Maxamed Xuseen , halka kaalinta labaadna uu galay , Mustafe Cabdiqaadir , Cabdilaahi Aadan ayaa isna kaalinta saddex ku guulaystay .

Image may contain: 3 people, people standing

Orodka 10km ayaa waxa kaalmaha hore ku guulaystay , Saciid Faarax , Cabdiqani Maxamed iyo Yaxye Maxamuud halka hablaha ku tartamaayey orodka 10km ay kaalmaha hore u galeen Hibo Daybi Faarax , Hanna Mukhtaar Cabdilaahi iyo Xamda Cabid Ibraahim .

Tartanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa waxa maalgelisay Shirkada Dahabshiil , waana markii labaad ee lagu qabto Magaalada Hargeysa .

 

Image may contain: 4 people, people standing

Xuquuqda Sawirada

Astaan Cable TV

Leave a Reply