Xukuumadda oo Fariin u Dirtay Ardeyda Gelisay Imtixaanka Shaqo Qaran

0
611

Hargeysa-(Dawan)_Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , Daa’uud Axmed Faarax ayaa dardaaran u diray ardeyda u fadhiisan doonta imtixaanka barnaamijka shaqo qaran, kaas oo gobolada dalka oo dhan ka dhici doona maalinta isniinta ee ay taariikhdu tahay 24/2/2020-ka.

Guddoomiyuhu isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu sheegay, in imtixaankii diyaar ka yahay xafiiska imtixaanaadka iyo wasaaradda waxbarashada, isla markaana gobolada loo kala diray.

Geesta kale, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadku waxa uu dardaaran u diray guud ahaan tartamayaasha imtixaanka u fadhiisan doona, waxaanu u soo jeediyey in ay si dhab ah ugu soo diyaargaroobaan oo aanay soo qaadan waxyaabaha ka reeban in lala yimaado goobaha imtixaanka lagu gelayo.

 

Halkan ka Daawo Muqaalka

Leave a Reply