Pompeo oo Shaaciyey xilliga la Saxeexayo heshiiska Taliban

0
568

Xogahayaha arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in Mareykanka uu u diyaar garoobayo saxeexa heshiis uu la galayo kooxda Taliban 29-ka bishan February, kaasi oo ku imanaya xabbad-joojin muddo todobaad ah oo lagu yareynayo rabshadaha dalkaasi.

“Marka lagu guuleysto hergelintan isfahamkan, waxaan ku raja weyn nahay saxeexista heshiiska Mareykanka iyo Taliban inuu horey u socdo”Ayuu Pompeo ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray ka dib markii uu booqday dalka Sacuudiga.

Afhayeenka Guddiga amniga Qaran ee Afghanistan Javed Faysal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in isfahamka “Yareynta rabshadaha” ee soconaya muddada halka toddobaad una dhexeeya Taliban, Mareykanka iyo xukuumadda Afghanistan uu goordhow bilaabmi doono.

Xabad-joojintan toddobaadka ah ayaa noqoneysa tallaabo taariikhi ah ka dib muddo ka badan 18 sano oo dagaallo ba’ani ay ka socdeen Afghanistan, waxayna wadada u xaareysaa heshiis lagu dhameynayo colaadda dalkaasi.

Pompeo ayaa sheegay in wadahadallada dhinacyada Afghanistan ay si dhakhsa ah u bilaaban doonaan marka heshiiska lagu kala saxeexdo 29-ka bishan Febraayo magaalada Doha ee dalka Qatar.

“Waxa ay ku dhisi doonaan tallaabadan asaasiga ah si loo gaadho xabad-joojin rasmi ah, iyo qorshaha mustaqbalka siyaasadeed ee Afghanistan”Ayuu yidhi Pompeo.

Pompeo ayaa sheegay iney weli caqabado badani jiraan laakin horumarka ilaa iyo haatan la sameeyey uu keenayo rajjo, iyo fursado dhab ah. “Mareykanku waxa uu ugu yeerayaa dhammaan dhinacyada Afghanistan iney fursaddan ka faa’iideystaan.”

Leave a Reply