Daawo Nuxurka Warbixintii Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtidda Somaliland

0
706

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil ka tirsan gudi hoosaadka arrimaha dibadda  iyo iskaashiga caalamiga ah, ee golaha guurtidda Somaliland  ayaa faahfaahin ka bixiyey safar shaqo oo ay guddidoodu ku soo martay Midowga Yurub iyo Jarmalkaba.

Waxaanu xildhibaanku sheegay in ujeedada socdaalku aheyd in wada shaqeyni ay dhexmarto labadda Baarlamaan, iyo in ay bookhashooyin is dhaafsadda.

Sidoo kale waxaa uu xusay in laga caawiyo tayeynta labadda gole, waxa kale oo ka mid aheyd sidii Somaliland loogu raadinlahaa taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Dhinaca kale waxaa uu tilmaamay in guddidoodu ay kulamo xog wareysiya la qaateen jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jarmalka, iyago ka wada hadlay sidii siyaasadda arrimaha dibadda ee waddanka ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen jaaliyadda Somaliland ee dalka Jarmalku.

Ugu daneyn waxaa uu sheegay in waxyaabaha uu safarkoodu salka uu ku hayay ay aheyd sidii Somaliland loogu raadin lahaa maalgelin shisheeye.

Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil ka tirsan gudi hoosaadka arrimaha dibadda  iyo iskaashiga caalamiga ah, ee golaha guurtidda Somaliland

Halkan ka Daawo

Leave a Reply