Hantidhowrka guud oo golaha Wakiillada u gudbiyey Warbixinta 14 Hay’addood oo baadhis lagu sameeyey

0
811

Guddi-hoosaadka Ilaalinta iyo daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, ayaa kulan ay la yeesheen madaxda Xafiiska Hantidhowrka Qaranka, waxa ay su’aallo kaga waydiiyeen baadhitaannada musuqmaasuq ee lagu sameeyey qaar kamida Hay’adda Dawladda.

Masuuliyiinta Xafiiska Hantidhowraha ayaa Guddida Golaha Wakiillada u gudbiyey warbixinta 14 Hay’addood oo dawli ah oo baadhitaanno lagu sameeyey, kuwaasoo ay guddidu sheegeen in warbixinta laga soo gudbiyey ay lafo-guri doonaan.

Kulanka Guddida Golaha iyo Madaxda xafiiska Hant-dhowrka guud oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Golaha Xildhibaan Siciid Siraadle iyo Hantidhowraha guud ee Qaranka, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Leave a Reply