Faallo: Jacaylku Indha iyo Dhagaba Wuu Kaa Qaadaa

0
133

Hargeysa-(Dawan)-Qofku waxaa uu jecelyahay waxaa ay ka muuqataa Tilmaantiisa….Haddii aad ka dalbato inuu Suuqa dhexe ee Hargeysa meel ka mid ah kuu sawiro jidka aad u mari karto, Ruuxa lacagtu xaggiisa ku weyn tahay waxaa ku badan tilmaantiisa..Baananka, Shirkaddaha Lacagaha iyo goobaha Sariflayaasha magacyaddooda, haddii uu Cuntadda kalgacayl badan u hayo oo u xagliyana waxaa uu sharaxaada uu ku siinayo ku xussayaa Dhamaan goobaha wax laga cunno ama laga cabo.

Sidaas oo kale, marka ummad la qiimaynayo arragtideeda waxaa laga eeggaa sheekaddeedda, waxaana Jirta arragti muujisay hal-beeg lagu cabiro heerka fikirka bulsho, taas oo sheegaysa in bulshadda sheekadeedu hebel u badan tahay ay tahay mid feker ahaan danbeysa, sidoo kale haddii ay dhacdooyinka aad uga hadlaan waxaa la wariyay in aanay kuwaas hore waxba dhaamin. Balse, ummada arragti ahaan dhisan waxaa lagu gartaa waxaa ay sheekaddoodu u badan tahay ama ku qoton taa mabaadi kumana wareeraan hebello.

Haddeer, marka aad eegto jawaabta laga bixiyay durba Khudbaddii dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee aad ku cabirto hal-beegaas kor ku xussan waxaa kuu muuqanaysa halka aynu taaganahay. Gaar ahaan, Xildhibaanadda markiiba ka jawaabay waxaa ay badankoodu ka felceliyeen ka warameen hebel haddii aad u fiirsatay. aan kuu sii faah-faahiyee waxaa ay ka hadleen Xisbi hebel ayaa la rabaa in la rido ama laga reebo doorashadda, sidoo kale waxaa ay ku lummeen ka hadalka dhacdadaas shalay uun taagnayd ee ma ay naqdiyin Khudbaddii oo taabanaysay guud ahaan sannadkii tagay iyo waxyaabihii u qabsoomay ama aan u qabsoomin Xukuumadda Mudane Muuse Biixi Cabdi Hoggaamiyo, haddii ay tahay dhaqaalaha, Amaanka iyo adeegyadda bulshada ee looga fadhiyay ba. Sidoo kale, ka hadal la’aanta amuurahan iyo inay Mudanayaashii iyo hoggaamiyayaashii Xisbiyadeennu kali ah ku wada hakadeen oo si aad ah uga cadhoodeen arragtida ah ‘Ururaddii ayaa la furayaa’ waxaa ay inoo muujinaysaa in aan dan laga lahayn dan ummadeed ee lala dedaalayo qof caashaq hayo oo inta kallena jacaylka qofkaas haya dartii ay qudhoodu la asqaysan yihiin tilmaantooda iyo hadalkoodana ku salaynayaan uun taas sida aan kor ba ku sheegnay.

Ogowna haddii qofku jacayl ku dhaco waxba ma kala garto, waxaa la jeclaadaana waa badan yahay, oo haddii aad Qof jeceshahay, Koox jeceshahay Naadi Kubadeed Jeceshahay, Xisbi siyaasadeed Jeceshahay ama waxaad doonto u bixi lagugu karri maayo inaad dhinaca kale ka soo joogsato oo aragto dhaliilaha/Kooxdaas, Qofkaas ama Xisbigaas. Laakiin, taas badalkeedda waxaa aad gelaysaa xaalad nafsadeed oo naf-hur ah. Haaheey, hoggaamiyayaashu Kursiga ayay jecel-yihiin oo wax kale oo ay maqlayaan ama arkayaan ma jirto. Sidoo kale, Taageerayaashu baddankoodu waa la mid oo waxaa ay isku dilayaan waxaa ay la jecelyihiin hebel ama Koox Heblaayo. Immisa ayaad aragtay laba Ruux oo isku dilaya Laba naadi oo kubada cagta ah oo ku ciyaaraya dal ka fog oo ay la kala safan-yihiin. Waxba kama duwana tanna. Waxaase Qallinku ku soo af-meerayaa oo aynu leenahay shacbiga mar haddii Madaxweynuhu is baraxay oo soo bandhigay khudbadihii sharcigu jideeyay inuu jeediyo sannadka waxaa la inagga rabaa Xisaabtan iyo inaynu sannadka danbena u toog hayno oo balanqaadyaddii hore waxaa dhiman kulla xisaabtano inagga oo aan Jacayl iyo Nacayb toona inna hayne Danteena guud arrin walba ka eegayna maxaa dan ugu jirta ama aan ugu jirin.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here