Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Arrinta Dowladda Soomaaliya Iyo Somaliland

0
505

Muqdisho(Dawan)- Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay wadahadallada Somaliland iyo Somaliya.

Xasan Sheekh ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in arrinta Soomaaliland ay soo taagneyd muddo 30-sanno ah, isla markaana wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland aan lagu xalin karin muddo kooban iyo in si kale loo maro..

“Somaliland arrinteedu waxay soo taagneed 30-sano, dadkii wax soo kala gaadheen inta is xali waayeen, anigoo nin kale diyaaradiisa saaran ayaan tegayaa oo soo xalinayaa mid suurta gelee maaha, taasna cidda madaxweynaha kula talisay garan mayo ”ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in raali-gelintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu siiyay Shacabkii somaliland inay ahayd bilow wanaagsan,  hayeeshee aan dhameystirneyn oo loo baahnaa inuu si wanaagsan u wajaho arrintaas.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay inuu siwayn uga soo horjeedo Safarka la sheegayay inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa, isaga oo la socda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dhinaca kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu dhaliil xoogan u jeediyay la-taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inay yihiin kuwa arrimaha taagan uga sii daraya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply